Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Caalamiya Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen 46 Waddan

Saturday November 16, 2019 - 09:03:07
Hadhwanaagtv
Kenya (HWN)-Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland
ayaa ka qaybgalay shir weyne lagaga hadlayey "mustaqbalka caasimadaha Adduunka” oo lagu qabtay Magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya, oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka socotay 46 dal oo Afrikaan ahi.


Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixin uu Wargeyska East African Business Week, ka qoray shirweynahaas oo ay madaxdii ka qaygashay ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Obasanjo iyo Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn iyo madax kale oo badan.


Waxaana Shirkaas lagu falanqeeyey sidii hannaan wax ku ool ah wax looga qaban lahaa magaaleynta sii kordheysa iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka Afrika u baahan yihiin.


Kulankaas waxa ka qaybgalay Ku-Xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Mubaarig Cabdilaahi.


Mubaarig Cabdilaahi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa Wargeyska East African Business Week, u sheegay in Somaliland ay tahay dal raadinaya aqoonsi, isla markaana danihiisa ku maamulaya iyadoo aanay cidi ka caawinaynin, waxaaanu xusay inay shirkan ka kasbanayaan waayo-aragnimo ku wajahan sida dalalka kale ee ka qaybgalayaa u maareeyeen horumarinta magaalooyinkooda waaweyn iyo adeegyada darruuriga ah ee ay shacbiga u qabtaan.


Waxa kaloo, Agaasime Mubaarig Cabdilaahi caddeeyey inay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berberi ay xilligan soo jiiteen maalgashadeyaasha caalamiga ah, waxaannu tilmaamay in maalgashadeyaasha shisheeye ay Somaliland ka heli karaan nabadgelyo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah inay dhaqaale geliyaan JSL.


Agaasime Mubaarik iyo Danjire ku xigeenka Safaaradda Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle intii shirku uu socday waxay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda shirkaa ka soo qayb gashay oo ay war bixin ka siiyeen horumarka Somaliland ku tallaabsatay iyo siday u tahay dal dimuquraadi ah oo hannaanka dawlad wanaagga ku dhaqma isla markaana ku habboon in la maal gashado oo buuxiyay dhamman shuruudaha u saamahaya maalgashadeyaasha shisheeye in ay hantidood ku aaminaan marka laga eego dhanka ammaanka iyo ku dhaqanka sharciga dalk iyo shuruucda caalamiga ahba.


Shirweynahaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Brenthurst Foundation ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

     
Loading...