Ha Dayicin Salaadda Adigoo Ku Mashquulsan Dhismaha Mustaqbalkaaga Adduun

Friday October 30, 2026 - 17:43:02
hadhwanaagnews
Guusha dhabta ahi waa inaad gaadho halka aad hiigsanayso adigoo aan lumin

Ha ku mashquulin dhismaha adduun aad maalin ka tegi doonto, adigoo dayacaya salaaddii kuu iftiimin lahayd Aakhiro. Hiigsigaagu ha weynaado, hammigaaguna ha sarreeyo, balse salaaddaadu ha ka horrayso wax kasta.

Ha noqon qof u ordaya mustaqbalkiisa adduun, balse dayacaya mustaqbalkiisa Aakhiro. Waxa laga yaabaa inaad gaadho yoolalkaaga, hesho hanti iyo mansab, balse guusha dhabta ahi kuma koobna waxa aad adduunka ka gaadho.

Guusha dhabta ahi waa inaad gaadho halka aad hiigsanayso adigoo aan lumin xidhiidhka aad la leedahay Rabbigaa.

Shaqadaada, ganacsigaaga, waxbarashadaada iyo qorshayaashaadu dhammaantood waa muhiim, laakiin yaanay kaa mashquulin waajibkaaga ugu weyn. Salaaddu ma aha wax dib loo dhigo marka hawluhu bataan; waa cibaado mudan in la ilaaliyo xaalad kasta oo aad ku sugan tahay.

Alle SWT wuxuu Qur’aanka Kariimka ah ku yidhi:

﴿فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ ۝ الَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ﴾

Aayaddani waxay ina xusuusinaysaa digniinta Alle ee ku socota kuwa salaaddooda dayaca.

Xusuusnow: Adduunka waxaad u shaqaynaysaa nolol dhammaanaysa, Aakhirana waxaad u diyaarsanaysaa nolol waaraysa. Ha lumin tan waaraysa adigoo ku mashquulsan tan dhammaanaysa.

Alle ha inaga dhigo kuwa salaadda ilaaliya, adduunkana si wanaagsan uga shaqaysta, Aakhirana u diyaar garooba. Aamiin.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...