Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Thursday October 15, 2026 - 13:06:56
hadhwanaagnews
Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland

May be an image of aircraft and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay soo dhammeysteen safarro shaqo oo ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xoojinta xidhiidhka caalamiga ah, ballaadhinta iskaashiga dalalka kale iyo horumarinta danaha istiraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale, safarrada ayaa lagu tilmaamay kuwo fursado u abuuri kara xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo kobcinta danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland.

 

Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin natiijooyinka gaarka ah ee ka soo baxay kulamadii iyo wada-hadalladii uu Madaxweynuhu la yeeshay dhinacyada uu kula kulmay safarradiisa.

May be an image of aircraft and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and wedding
May be an image of dais and the Oval Office


     
Loading...