Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Horyimid Beddelka Magaca Somaliland

Wednesday October 14, 2026 - 18:55:11
hadhwanaagnews
Xildhibaanka ayaa caddeeyey in magaca Somaliland aan la beddeli karin



Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa si adag uga horyimid qorshe kasta oo lagu beddelayo magaca Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso Dastuurka Somaliland.

 

Xildhibaanka ayaa caddeeyey in magaca Somaliland aan la beddeli karin iyada oo aan marka hore si sharci ah loo furin Dastuurka, lana marin habraacyada dastuuriga ah ee looga baahan yahay wax ka beddelka noocaas ah.

 

Waxa uu ku adkaystay in tallaabo kasta oo lagu beddelayo magaca dalka, iyada oo aan la waafajin nidaamka dastuuriga ah, ay tahay mid sharci-darro ah, isaga oo ku baaqay in arrimaha magaca qaranka lagu saleeyo sharciga iyo habraacyada dastuuriga ah.

     
Loading...