hadhwanaagnews
Qoraaga iyo gabyaaga reer Kanada, Anne Carson, ayaa lagu sheegay inay ku guuleysatay Abaalmarinta Nobelka Suugaanta ee sannadka 2026, iyadoo lagu aqoonsaday hal-abuurkeeda suugaaneed iyo raadadka ay ku leedahay suugaanta casriga ah, sida ay qortay warbaahinta Al Jazeera.
Akadeemiyadda Iswiidhan ayaa lagu sheegay inay Carson ku maamuustay shaqadeeda suugaaneed ee hal-abuurka leh, gaar ahaan sida ay suugaanta qadiimiga ah ugu dhex milayso fikrado iyo qaabab cusub oo casri ah.
Carson waa qoraa iyo aqoonyahan ku takhasustay suugaanta Giriiggii hore. Waxay qortay in ka badan 20 buug, qaar ka mid ah shaqooyinkeeda suugaaneedna waxaa loo beddelay riwaayado masraxeed. Waxaa ka mid ah qoraalladeeda caanka ah The Beauty of the Husband iyo The Trojan Women.
Abaalmarintan oo qiimaheedu yahay 12 milyan oo koron oo Iswiidhish ah, una dhiganta ku dhowaad 1.2 milyan oo dollar, ayaa Carson ku noqotay lama filaan. Wararka ayaa sheegay inay xilliga lagu wargeliyey guusheeda ku sugneyd Iceland, halkaas oo ay ku tilmaantay inay "dhageysanaysay dabaysha.”
Abaalmarinta Nobelka Suugaanta ayaa ka mid ah abaalmarinnada ugu waaweyn dunida ee lagu aqoonsado hal-abuurka suugaaneed. Sannadkii 2025 waxaa ku guuleystay qoraaga reer Hungary László Krasznahorkai.