hadhwanaagnews
Warbaahinta African Geopolitics ayaa warbixin cusub ku falanqaysay suurtagalnimada in dowladda Maraykanku sannadka 2026 qaaddo tallaabo ku wajahan aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.
Warbixinta, oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay, ayaa si gaar ah diiradda u saartay isbeddellada ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo lagu eegay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, Dekedda Berbera, xiriirka Somaliland iyo Israa’iil iyo danaha sii kordhaya ee quwadaha caalamku ka leeyihiin gobolka.
Sida warbixintu tilmaamayso, su’aasha ugu weyn ee dhinaca diblomaasiyadda ayaa ah in Washington ay ugu dambayn aqoonsan doonto Somaliland ka hor dhammaadka 2026. Warbixintu waxay sheegtay in dooddan ay yeelatay muhiimad dheeraad ah kaddib tallaabadii Israa’iil ee ay Somaliland ku aqoonsatay dhammaadkii 2025, taas oo dhalisay dood cusub oo ku saabsan jihada siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika.
African Geopolitics ayaa sidoo kale sheegtay in indhaha diblomaasiyadeed si gaar ah loogu jeediyay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo ololaha aqoonsi-raadinta Somaliland ee Washington, xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen goob ay ku kulmaan dano amni, dhaqaale iyo juqraafi-siyaasadeed oo sii kordhaya.
Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay Dekedda Berbera iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland, iyadoo sheegtay in dekeddu ku taallo meel u dhow marinnada muhiimka ah ee ganacsiga badda. Sida ay warbixintu xustay, Berbera waxay mustaqbalka noqon kartaa goob ay ku kulmaan dano diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni oo waaweyn.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in haddii doodda aqoonsiga Somaliland ay sii xoogaysato, arrintu ay gaadhi karto miisaska Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxay halkaas ku soo bandhigtay su’aasha ah: "Madaxweyne Donald Trump ma isu diyaarinayaa inuu qaado tallaabo ku wajahan aqoonsiga Somaliland?”
African Geopolitics ayaa sababaha kordhin kara danaha Washington ku xidhay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, aragtida Maraykanka ee gobolka, doorka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, iyo muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland iyo Berbera ee xisaabta juqraafi-siyaasadeed ee gobolka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay muddo dheer dhisaysay hay’ado dowladeed, nidaam siyaasadeed iyo hannaan doorasho, iyadoo sheegtay in Hargeysa ay dadaal ugu jirtay inay bulshada caalamka u muujiso inay tahay dhinac siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo.
Sida warbixintu sheegtay, tallaabadii Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland dhammaadkii 2025 waxay wax ka beddeshay qaabkii hore ee doodda diblomaasiyadeed. African Geopolitics waxay arrintaas ku tilmaantay tallaabo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan kaalinta Somaliland ee tartanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo fariinta ay tallaabadaasi u gudbin karto Washington.
Warbixintu waxay sidoo kale soo qaadday xiriirka sii xoogaysanayay ee Somaliland iyo Maraykanka sannadihii 2024 iyo 2025, iyadoo xustay booqashooyin ay saraakiil iyo diblomaasiyiin Maraykan ahi ku tageen Somaliland. Arrintaas ayay ku xidhiidhisay isbeddellada amni iyo juqraafi-siyaasadeed ee ka socda Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Ugu dambayn, African Geopolitics waxay sheegtay in Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York uu noqon karo marxalad muhiim u ah doodda Somaliland, maadaama shirarka caalamiga ahi mararka qaar noqdaan goobo lagu shaaciyo go’aanno diblomaasiyadeed oo waaweyn.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in haddii Washington ay mustaqbalka go’aansato inay Somaliland aqoonsato, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu noqon karo goob astaan ahaan muhiim u ah muujinta go’aankaas.