hadhwanaagnews
Madaxa Xafiiska Genderka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Marwo Najma Nuur, ayaa xalay soo qabanqaabisay munaasibad casho sharaf ah oo lagu maamuusay haweenka loo magacaabay jagooyinka Agaasime Waaxeedyada iyo Madax-qaybeedyada ee Wasaaradda.
Munaasibaddan ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu bogaadiyo haweenka loo igmaday xilalka hoggaamineed, laguna dhiirrigeliyo gudashada masuuliyadaha loo magacaabay.
Marwo Najma Nuur ayaa munaasibadda ku maamuustay haweenka xilalka cusub loo magacaabay, iyadoo munaasibaddu fursad u ahayd is-xogwaraysi iyo is-dhexgal ay yeeshaan haweenka ka hawlgala jagooyinka hoggaamineed ee Wasaaradda.
Ugu dambayn, munaasibadda ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta haweenka loo magacaabo xilalka hoggaamineed iyo in ay si hufan uga soo baxaan masuuliyadaha loo igmaday.