Garsoore Maraykan Ah Oo Amray In CNN, MS NOW Iyo Politico Dib Loogu Soo Celiyo Aqalka Cad

Thursday September 24, 2026 - 14:08:55
hadhwanaagnews
Amarka ayaa maamulka Trump faraya inuu si degdeg ah u soo celiyo ,,,,



Washington — Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federaalka Mareykanka, Timothy J. Kelly, ayaa amar ku meelgaar ah ku bixiyay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo celiyo Aqalka Cad wariyeyaasha ka socda CNN, MS NOW iyo Politico, kadib markii saddexda warbaahin laga mamnuucay xarunta madaxtooyada.

 

Garsoore Kelly ayaa sheegay in saddexda warbaahin ay u badan tahay inay ku guuleystaan qaar ka mid ah doodahooda sharci, gaar ahaan in xayiraadda laga qaaday marin-u-helkooda Aqalka Cad iyada oo aan la siin habraac sharci oo ku filan.

 

Amarka ayaa maamulka Trump faraya inuu si degdeg ah u soo celiyo oo dib u hawlgeliyo aqoonsiyada saxaafadeed ee wariyeyaasha CNN, MS NOW iyo Politico. Amarka ku-meelgaarka ah ayaa soconaya 14 maalmood, haddii aan maxkamaddu amar kale soo saarin.

 

Madaxweyne Trump ayaa 18-kii Sebtembar ku dhawaaqay in saddexda warbaahin laga mamnuucayo Aqalka Cad, isagoo ku eedeeyay inay faafinayaan warar uu ku tilmaamay "fake news”. Wariyeyaasha saddexda warbaahin ayaa maalintii xigtay laga hor istaagay inay galaan xarunta Aqalka Cad, waxaana laga joojiyay aqoonsiyadoodii saxaafadeed.

 

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa kadib dacwad ka gudbiyay maamulka, iyagoo ku dooday in xayiraaddu ay jebisay xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda saxaafadda iyo xaqa habraaca sharciga.

 

Go’aanka Garsoore Kelly ayaa hadda si ku-meelgaar ah u soo celinaya marin-u-helka saddexda warbaahin ee Aqalka Cad, iyadoo dacwadda iyo doodaha sharci ee labada dhinac ay weli socdaan.

     
Loading...