hadhwanaagnews
Warbaahinta dunida Carabta ayaa si weyn u lafo-gurtay socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ugu ambabaxay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka, iyadoo si gaar ah loo eegayo dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso taageerada caalamiga ah.
Qaar ka mid ah warbaahinta Carabta oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa tilmaamay in Somaliland waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in Maraykanku noqdo waddankii labaad ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland, kaddib aqoonsigii ay Somaliland ka heshay Israa’iil.
Warbixinnada ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso inay si istaraatiiji ah uga faa’iidaysato aqoonsigii Israa’iil, iyadoo dadaal ugu jirta inay ku qanciso dalal kale inay qaadaan tallaabo la mid ah. Warbaahinta Carabta ayaa sidoo kale xustay in aqoonsiga Israa’iil uu wax ka beddelay xaaladda diblomaasiyadeed ee ku xeeran Somaliland.
Sida warbixinnada lagu sheegay, qodobada uu Madaxweyne Cirro doonayo inuu Washington ku hor bandhigo waxaa ka mid ah goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, doorka ay ka qaadan karto amniga gobolka, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, la-dagaallanka argagixisada, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii Somaliland u noqon lahayd bahwadaag lagu kalsoonaan karo.
Warbaahinta Carabta ayaa tilmaantay in arrimahan ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Maraykanka, maadaama Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay yihiin marinno istaraatiiji ah oo ay maraan qayb muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay muhiim u yihiin amniga iyo isu-socodka maraakiibta.
Falanqaynnada ayaa sidoo kale xusay in Somaliland ay doonayso inay iskaashi amni iyo dhaqaale oo ballaadhan la yeelato quwadaha reer Galbeedka, iyadoo Dekedda Berbera iyo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay qayb muhiim ah ka yihiin doodda ku saabsan iskaashiga iyo aqoonsiga mustaqbalka.
Warbixinnada ayaa sidoo kale soo qaatay booqashadii Madaxweyne Cirro uu bishii June ee sannadkan ku tegay Israa’iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda sare ee dalkaas, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Knesset-ka Amir Ohana.
Dhanka kale, warbaahinta Carabta ayaa sheegtay in socdaalka Madaxweyne Cirro ee Maraykanku ku soo beegmayo xilli ay Somaliland doonayso inay aqoonsigii Israa’iil u beddesho taageero caalami ah oo ka ballaadhan, iyadoo sidoo kale Washington ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo sharci-dejineed oo la xidhiidha siyaasadda Maraykanka ee Somaliland.
Ugu dambayn, warbixinnada ayaa sheegay in indhaha hadda lagu hayo Washington iyo natiijada kulamada uu Madaxweyne Cirro la yeelan doono masuuliyiinta Maraykanka, kuwaas oo, haddii ay miro-dhalaan, saamayn ku yeelan kara jihada siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland.