Hindiya: Wasiir aan Muslim ahayn oo sheegay inuu doonayo inuu Xajka aado

Wednesday September 02, 2026 - 11:51:40
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa yidhi: "Waxaan rabaa inaan sheego in Islaamku yahay



Hindiya, Wasiirka Tacliinta Sare ee gobolka Karnataka, Roy Reddy, ayaa hadal uu ka jeediyey kulan ka dhacay magaalada Kokanor ee degmada Koppal ku sheegay inuu doonayo inuu fursad u helo gudashada Xajka, isagoo sidoo kale ammaanay diinta Islaamka.

 

Roy Reddy oo hadalkiisa ka jeedinayay kulanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Islaamku yahay diin ku dhisan bini’aadantinimo, isagoo tilmaamay inuusan si joogto ah u tegin macbudyo ama goobo kale oo cibaado.

 

Wasiirka ayaa yidhi: "Waxaan rabaa inaan sheego in Islaamku yahay diin ka wanaagsan diimaha oo dhan. Waxay ku dhisan tahay bini’aadantinimo... Ma aado macbudyo ama goobo cibaado, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan helo fursad aan ugu yaraan hal mar nolosheyda ku soo guto Xajka.”

 

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyay muran siyaasadeed, iyadoo xisbiga mucaaradka ah ee BJP uu dowladda ka dalbaday inay xilka ka qaaddo wasiirka ama uu raalli-gelin ka bixiyo hadallada uu jeediyey.

 

BJP ayaa si weyn uga hor yimid hadalka Roy Reddy, waxaana arrintu noqotay dood siyaasadeed oo ka dhex dhalatay xisbiga talada haya iyo mucaaradka.

 

Si kastaba ha ahaatee, Roy Reddy ayaa u muuqday inuu ku adkeysanayo mowqifkiisa, isagoo bayaan uu ku sharraxayo hadalkiisa soo saaray. Wuxuu yidhi: "Haddii aan Islaamka ugu yeeray diin wanaagsan, maxaa ka qaldan arrintaas?”

 

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli doodaha la xidhiidha diinta iyo siyaasadda ay si weyn uga dhex muuqdaan Hindiya, gaar ahaan marka ay hadallada mas’uuliyiinta siyaasadeed taabtaan arrimaha diimaha kala duwan.

     
Loading...