Maayirka Berbera oo Rajo Ka Muujiyey Miisaaniyadda 2027-ka

Saturday August 29, 2026 - 15:02:50
hadhwanaagnews
"Waxaan rajaynayaa in miisaaniyadan aynu ansixinaynaa ay noqoto



Berbera (Hadhwanaagnews.com): Maayirka Degmada Berbera, Mudane Maxamed Ibraahin Ismaaciil (Dable), ayaa sheegay inuu rajaynayo in Miisaaniyadda sannadka 2027-ka ay noqoto mid horseedda horumar ballaadhan oo laga sameeyo degmada Berbera.

 

Maayirka ayaa hadalkan ka sheegay kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Deegaanka Berbera, oo lagu soo bandhigay odoroska Miisaaniyadda sannadka 2027-ka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxaan rajaynayaa in miisaaniyadan aynu ansixinaynaa ay noqoto tii aynu ku horumarin lahayn Berbera.”

 

Maayirka ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka la filayo in miisaaniyaddu taabato iyo qorshayaasha horumarineed ee degmada.

 

Waxa uu sheegay in Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka uu soo diyaariyey odoroska miisaaniyadda, kaas oo Golaha Deegaanku ka doodi doono ka hor inta aan si rasmi ah loo ansixin.

 

Miisaaniyadda 2027-ka ayaa noqon doonta miisaaniyadda Golaha Deegaanka Berbera ku shaqayn doono sannadka soo socda, iyadoo la filayo in mudnaanta la siiyo mashaariicda iyo adeegyada horumarineed ee degmada.

     
Loading...