Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibedda: "Waa In La Ilaaliyaa Xidhiidhka Jiilasha Qurba-joogtu La Leeyihiin Dalkooda"

Monday August 03, 2026 - 18:44:27
hadhwanaagnews
Agaasimuhu waxa uu sheegay in siyaasadda ay diyaarisay Xukuumadda Wadajir i



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya jiilasha cusub ee qurba-joogta iyo dalkooda hooyo, isaga oo sheegay in arrintaasi ay qayb muhiim ah ka tahay Siyaasadda Qaran ee Qurba-joogta.


 

Agaasimuhu waxa uu sheegay in siyaasadda ay diyaarisay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay hiigsanayso in qurba-joogta iyo carruurtooduba ay sii yeeshaan xidhiidh joogto ah oo ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, si loo ilaaliyo aqoonsigooda, dhaqankooda iyo kaalintooda horumarineed.


 

Waxa uu xusay in ilaalinta xidhiidhka jiilasha ku koray dibadda iyo dalkooda hooyo ay muhiim u tahay sii jiritaanka doorka qurba-joogtu ku leeyihiin horumarka, maalgashiga iyo koboca Somaliland.


 

Agaasimaha Guud ayaa yidhi:

 

"Waxa ugu muhiimsan marka qurba-joogta laga hadlayo waa in la ilaaliyo xidhiidhka jiilasha ay dhaleen dadkii hore qurbaha u tagey, si aanay u lumin xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda.”


 

Waxa uu ugu dambayn sheegay in xoojinta xidhiidhka qurba-joogta iyo jiilasha cusub ee ku nool daafaha caalamka ay ka mid tahay mudnaanta ay wasaaraddu siinayso, si loo hubiyo in ay sii ahaadaan qayb firfircoon oo ka qayb qaadata horumarka iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...