Madaxweyne Cirro oo Taageerayaasha WADDANI Ugu Baaqay Midnimo iyo Wadajir

Monday June 29, 2026 - 13:33:03
hadhwanaagnews
Baaq Ku Socda Bahda WADDANI

May be an image of one or more people and dais


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dhammaan aasaasayaasha, kaadirka, haldoorka, garabyada iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in midnimada iyo iskaashigu yihiin tiirarka lagu gaadhi karo himilooyinka xisbiga iyo horumarka qaranka.

 

Baaq Ku Socda Bahda WADDANI

 

Cabdiraxmaan Cirro ayaa xusay in wadajirka xubnaha xisbigu uu muhiim u yahay sii ambaqaadidda qorshayaasha horumarineed iyo hirgelinta ballanqaadyadii loo sameeyey shacabka.

 

Waxa uu ku boorriyey dhammaan qaybaha kala duwan ee xisbiga inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku duubnida.

 

Hadalka Madaxweynaha

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi:

 

"Waxa aan ugu baaqayaa dhammaan aasaasayaasha, kaadirka, haldoorka, garabyada iyo taageerayaasha WADDANI inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.”

 

Midnimo iyo Horumar

 

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in midnimadu ay saldhig u tahay guusha xisbiga iyo horumarka Somaliland, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo iskaashiga si loo sii ambaqaado horumarka qaranka.

     
Loading...