hadhwanaagnews
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Yuusuf Nuux Tadhase, ayaa sheegay in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland uu yahay hay’ad madax-bannaan oo si xor ah u maamusha hawlaheeda iyo barnaamijyada horumarinta ciyaaraha.
Wasiir Ku-xigeenku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay ixtiraamayso madax-bannaanida xidhiidhka, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada horumarinta ciyaaraha dalka.
Garoomo Cusub oo La Hirgeliyey
Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sheegay in dhismaha garoomada ciyaaraha uu ka mid ahaa ballanqaadyadii xukuumadda, isagoo xusay in ilaa hadda la hirgeliyey siddeed garoon, kuwaas oo qaarkood la dhammeeyey, halka kuwo kalena uu weli dhismahoodu socdo.
Waxa uu tilmaamay in mashaariicdaasi qayb ka yihiin qorshaha lagu horumarinayo kaabeyaasha ciyaaraha ee Somaliland.
Horumarinta Ciyaaraha
Wasiir Ku-xigeenku waxa uu adkeeyey in xukuumaddu ay ka go’an tahay horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta fursadaha dhalinyarada, isaga oo sheegay in maalgashiga garoomada iyo taageerada ururrada ciyaaruhu ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta kubadda cagta iyo ciyaaraha kale ee dalka.
Waxa uu yidhi:
"Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL wuu ka madaxbannaan yahay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyaga ayaa hawshooda wata. Ilaa 8 garoon ayay leeyihiin, qaar waa la dhammeeyey, qaar kalena weli way socdaan, waxaana taasi ka mid ahayd ballanqaadyadii aannu samaynay.”