hadhwanaagnews
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ka qayb gashay shir ay Israa’iil soo qabanqaabisay oo ka dhacay dalka Kenya, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dhinacyo ka kala socday Kenya iyo Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Xasan Dhaay, ayaa beeniyey warar sheegayay in dowladda Soomaaliya u yeedhay safiirkeeda dalka Kenya sababo la xidhiidha ka qayb-galka shirkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid waxtar u leh danaha Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Safiirka Soomaaliya oo Sharaxaad Bixiyey
Dhankiisa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jibriil Ibraahin Cabdulle, ayaa sheegay in uu ka qayb-galay madasha ay Israa’iil soo abaabushay si uu u soo bandhigo fursadaha maalgashi, ganacsi iyo iskaashi ee ka jira Soomaaliya.
Waxa uu xusay in ka qayb-galkiisu uu la xidhiidhay matalaadda danaha Soomaaliya iyo soo bandhigista fursadaha uu dalku leeyahay.
Muran Ka Dhashay Ka Qayb-galka Shirka
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wakiillo ka socday Soomaaliya ay ka soo muuqdeen shir ay ka qaybgalayeen diblomaasiyiin iyo masuuliyiin ka kala socday Kenya iyo Israa’iil, arrintaas oo dhalisay hadal-hayn iyo dood siyaasadeed.
Ka qayb-galka Soomaaliya ee madashaasi ayaa noqday mid si weyn looga falceliyey baraha bulshada iyo warbaahinta, iyadoo la isweydiinayey mowqifka dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha kulankaas.
Dowladda Soomaaliya oo Difaacday Ka Qayb-galka Shirka
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda si cad u difaacday ka qayb-galka shirkaasi, iyada oo sheegtay in kulankaasi uu muhiim u ahaa danaha Soomaaliya.
Masuuliyiinta dowladda ayaa tilmaamay in ka qayb-galka madalaha caalamiga ahi uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhada diblomaasiyadeed, korna loogu qaadayo fursadaha iskaashi ee Soomaaliya la yeelan karto dalalka kale.