hadhwanaagnews
Michael Freund, oo hore u ahaa ku-xigeenka Agaasimaha
Isgaarsiinta ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa
ugu baaqay Israa’iil inay door firfircoon ka qaadato sidii ay dalalka
saaxiibada la ah ugu qancin lahayd inay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Freund, oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland, ayaa qoraal
uu kaga hadlay safarkiisii Hargeysa ku sheegay in Somaliland ay muddo ka badan
soddon sano lahayd hay’ado dowladeed oo shaqaynaya, nidaam amni, doorashooyin
dimuqraadi ah iyo maamul deggan.
"In ka badan soddon sano, Somaliland waxay lahayd hay’ado u
gaar ah, doorashooyin, ciidan amni iyo nidaam maamul oo shaqeeya. Waxa kale oo
ay qabatay doorashooyin madaxtinimo oo tartan leh, kuwaas oo lagu kala wareegay
talada si nabad ah,” ayuu qoray Michael Freund.
Baaq Ku Socda
Israa’iil
Michael Freund ayaa sheegay in Somaliland ay qaaday
tallaabooyin muuqda oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay
Israa’iil, sidaas darteedna ay habboon tahay in Israa’iil dhinaceeda ka
shaqayso sidii ay u taageeri lahayd dedaallada aqoonsi raadinta Somaliland.
Waxa uu xusay in Israa’iil ay saamayn diblomaasiyadeed ku
leedahay dalal badan oo saaxiib la ah, isla markaana ay gacan ka geysan karto
in Somaliland hesho taageero caalami ah.
Itoobiya iyo
Mareykanka oo La Xusay
Freund ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday Itoobiya iyo
Mareykanka, isaga oo sheegay in Israa’iil door ka qaadan karto dhiirrigelinta
labadaas dal si ay u eegaan suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland.
Sida uu sheegay, xidhiidhka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya
Israa’iil iyo qaar ka mid ah quwadaha caalamka ayaa noqon kara fursad lagu
xoojin karo doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
### Somaliland iyo Aqoonsi Raadinta
Qoraalka Michael Freund ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii
kordhayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhada
diblomaasiyadeed ee ay la samaysanayso dalal kala duwan.
Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in xidhiidhada cusub ee
Somaliland la yeelanayso saaxiibbada caalamiga ahi ay saamayn ku yeelan karaan
dedaallada ay ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah.