hadhwanaagnews
Dowladda Mareykanka ayaa dacwad culus ku soo oogtay laba haween Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Shamso Ahmed Hassan iyo Hanaan Mursal Yusuf, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq la xidhiidha barnaamijka caafimaadka Minnesota Medicaid.
Sida ku cad dacwadda ay soo saareen hay’adaha federaalka Mareykanka, Shamso Ahmed Hassan oo 55 jir ah kana soo jeeda Brooklyn Park, Minnesota, iyo Hanaan Mursal Yusuf oo 25 jir ah isla markaana deggen isla magaaladaasi, ayaa wajahaya eedo ay ka mid yihiin:
Khiyaamo caafimaad (Health Care Fraud)
Been-abuur la xidhiidha adeegyada caafimaadka
Lacag dhaqid (Money Laundering)
Dacwaddu waxay sheegaysaa in labada haween ay ku lug lahaayeen qorshe musuqmaasuq oo gaadhaya $46.6 milyan oo dollar, kaas oo lala xidhiidhiyay barnaamijka Early Intensive Developmental and Behavioral Intervention (EIDBI) ee Minnesota Medicaid.
Hay’adaha federaalka ayaa sheegay in lacag dhan $21.2 milyan si rasmi ah looga bixiyay qorshahaasi, iyadoo lagu eedeeyay inay gudbiyeen dalabyo been abuur ah oo la xidhiidha adeegyo caafimaad oo aan si dhab ah loo fulin.
Warbixinnada baaritaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshahan musuqmaasuq uu qayb ka ahaa baaritaanno waaweyn oo lagu hayo khiyaamooyinka ka dhanka ah barnaamijyada gargaarka caafimaadka ee gobolka Minnesota.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dacwadani ay ka mid tahay dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta lacagaha loogu talagalay adeegyada caafimaadka bulshada.