Ciidamada Ammaanka Jsl Oo Adkeeyay Baaritaannada Magaalooyinka Waawayn

Sunday May 17, 2026 - 11:50:26
hadhwanaagnews
Ciidamada ayaa baaritaanno kala duwan ku sameynaya gaadiidka



Hay’adaha sirdoonka iyo ciidamada booliska JSL ayaa kordhiyay hawlgallada amni ee laga fulinayo waddooyinka iyo goobaha laga soo galo magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.


 

Hawlgalladan ayaa lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo amniga guud iyo ka hortagga falal kasta oo halis gelin kara nabad-galyada dalka, iyadoo ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka soo galaya magaalooyinka.


 

Ciidamada ayaa baaritaanno kala duwan ku sameynaya gaadiidka iyo dadka safarka ah, iyagoo hubinaya aqoonsiyada iyo waxyaabaha ay wataan si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo xasilloonida dalka.


 

Sidoo kale, shacabka ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana muujiyaan feejignaan dheeraad ah, iyadoo muwaadiniinta lagu dhiirrigeliyay inay ciidamada la wadaagaan xog kasta oo ay uga shakiyaan inay khatar amni keeni karto.

     
Loading...