hadhwanaagnews

Murashax Mawliid Cabdi Sabaal ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Xarshin, iyadoo boqolaal taageerayaal ah ay ka qeyb qaateen soo dhoweynta loo sameeyay.
Mawliid Cabdi Sabaal ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay murashaxiinta ugu cadcad doorashada ka dhici doonta Deegaanka Soomaalida, waxaana taageerayaashiisu ay muujinayaan kalsooni weyn oo ku aaddan hoggaamintiisa iyo qorshayaasha uu bulshada u hayo.
Soo dhoweynta magaalada Xarshin ayaa muujisay taageerada sii kordheysa ee uu murashaxu ka helayo qeybaha kala duwan ee bulshada, xilli ay si weyn u socdaan diyaar garowga iyo ololayaasha doorashada