Faallo: Soltelco Oo Si Aamusnaan Ah Uga Muuqday Doorashadii Hoggaanka Hargeysa

Tuesday May 12, 2026 - 09:03:58
hadhwanaagnews
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in Soltelco uu doonayay


Siyaasiga Cabdiraxmaan Soltelco ayaa noqday shakhsiga ugu hadal heynta badan doorashadii maanta ka dhacday Golaha Deegaanka Hargeysa, kadib markii uu si cad u taageeray Maayirka cusub Eng Cabdirisaaq Wiiwaa iyo ku-xigeenka cusub Mideeye.


 

Inkasta oo uu ka maqnaa doodihii iyo ololihii siyaasadeed ee bilihii lasoo dhaafay socday, haddana Soltelco ayaa saaka si lama filaan ah uga dhex muuqday mudaneyaashii codeynta joogay, taas oo dad badan u dirtay fariin siyaasadeed oo culus.


 

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in Soltelco uu doonayay inuu isu muujiyo siyaasi qunyar socod ah oo ka fog siyaasadda qaybsanaanta, islamarkaana leh aragti mideyn karta bulshada caasimadda.


 

Sidoo kale, taageerada uu u muujiyay Mideeye ayaa loo fasirtay dhigasho abaal siyaasadeed oo ku wajahan gobolka Gabiley, taas oo mustaqbalka u noqon karta xisaab siyaasadeed oo muhiim ah.


 

Mowqifka Soltelco ayaa si weyn usoo jiitay indhaha shacabka iyo siyaasiyiinta, maadaama uu ahaa mudanaha keliya ee si toos ah ula saftay hoggaanka cusub xilli ay siyaasiyiin kale ka baaqdeen kulanka doorashada.

     
Loading...