HADHWANAAGNEWS
Baarinimada waalidku waa mid ka mid ah qiyamka ugu weyn ee nolosha bani’aadamka, waana tiir muhiim u ah horumarka qofka iyo barakada noloshiisa. Diinteennu waxay si gaar ah u xustaa qiimaha ay leedahay in waalidka la dhowro, la ixtiraamo, lana adeeco wixii wanaagsan.
Inta badan dadka Ilaahay ku mannaystay guul iyo heer sare oo nololeed, waxa la arkaa inay ahaayeen dad waalidkood u baari ah, kana shaqeeyay raalli-gelintooda. Taasi waxay muujinaysaa in guushu aanay ku iman oo keliya dadaal, balse ay la socoto ducada iyo barakada waalidka.
Baarinimadu ma aha oo keliya hadal, balse waa ficil muuqda. Waa in waalidka loo naxariisto, la garab istaago, la daryeelo marka ay tabar yaraadaan, lana qadariyo intay nool yihiin. Qofka waalidkiis ka farxiya, waxa uu helaa farxad iyo barako nololeed oo aan la qiyaasi karin.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhalinyarada maanta la baro qiimaha baarinimada, si ay uga fogaadaan dayaca iyo ixtiraam la’aanta mararka qaar bulshada ka dhex muuqata. Waalidku waa laf-dhabarta nolosha, waana sababta aynu maanta u joogno halka aynu joogno.
Ugu dambayn, qof walba waa inuu isku dayaa inuu noqdo waalid baari ah, maadaama ay tahay waddada ugu dhow ee lagu helo guul, barako iyo nolol wanaagsan.
✍️ Qoraal: Mr Daacad
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!