Muska Waxa Inoo Galay Masas Aan La Dhaadayn

Tuesday March 17, 2026 - 14:43:44
HADHWANAAGNEWS
Salaan gaar ah bahda Hadhwanaag iyo akhristayaasheeda.



Bismillaahi Al-Raxmaan Al-Raxiim

(A.S.C.W.R.W.B)

Salaan gaar ah bahda Hadhwanaag iyo akhristayaasheeda.



 

1.

Malmal baa la shiday maanta,

Mudh bay soo yidhaahdeen,

Masaskii qarsoonaa,

Madax baa laga dilay.


 

2.

Malag hadduu dhawaaqiyo,

Miidaan dhego ma laha,

Marinkii ugu habboonaa,

Malagyow cirkaa mari.


 

3.

Malab aad ku qososhaba,

Murqadhaadh kuu walaqo,

Munaafaq ha dhuuntee,

Maalin buu ku qarxi doonaa.


 

4.

Markhaati Geele weeyaan,

Muddo wuu qarsoonaa,

Markii xeelad shaqayn waysay,

Mar labaad buu soo noqday.


 

5.

Magan buu Cirro u yahay,

Mar iyo laba waa la diiday,

Mar haddii Alle dego,

Maanta wuu muujin doonaa.


 

6.

Maroboob gurguurtaaba,

Maaro looma helin weli,

Meelna gaadhi maayee,

Weli lugo ayuu ku socda.


 

7.

Meel adag baannu joognaa,

Maya iyo haa way jiraan,

Runta lagama maarmee,

Meeraysiga ka dheeraada.


 

✍️ Qoraaga:

Ismaaciil Cabdillaahi Handulleh


Ismail handuleh <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...