Dalxaraashe Gurguurte. Distoorkii U Samaystayee. Dalkaba Uu Ku Wareejay. Dawladi Turkiga.Degdegbu Saxeexay.

Wednesday March 11, 2026 - 16:39:10
hadhwanaagnews
A.S.C.W.R.W.B Tu Khaas Ahna Bahda



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim.

A.S.C.W.R.W.B Tu Khaas Ahna Bahda

H/W Iyo Akhristayaashooda.


 

1-Daacad Weeye Gurggurte,

Dadkiisa Aad Ugu Roonon,


Dabadiis Aanay Helaynin,

Danahooda Mid U Doona.


Dameerkii Ha Rartaaneh,

Dawlad Aan Ku Wareerin.


 

2-Waanay Dooranayaanoo,

Diidnay Ruux Odhanmayo,


Daaroodkii Ka Adkaayoo,

Danigii Ugu Danbeeyayna.


Daraatu Meesha Ka Saray,

Garoowe Uu Uga Duulay.


 

3-Dad Maareeya Ugu Liitoon,

Duniba Aan War U Haynino,


Dugsanaaya Gurguurtooy,

Dumiyayo Fadaraalkiiba,


Dabaysha Uu Kala Raacayo,

Dawlado Qaybsanayaanba.


 

4-Dani Waa Imaradko Anaga Deris Ah,


Jubalaaney Ku Darso,DawladahaDhinacaaga,Gobolba Dawlad Ha Raacoo,Gedo Doolow U Daaya,


Weliba Daanta Daanta Galbeedka,


Dalbalaadhsina Ruuto,Kismayu Ku


Darsan,N.F.D DacalkeedaDalxaraashe Ka Raysta


Hadii Dawlad La Waayey.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...