Dooran Mayno Duulkii Dalkaba,Geliyay Diihaalkan.

Tuesday June 04, 2024 - 11:10:58
Hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 



 

 

Denbiyadii Dagaaladii La Galay,Dood Lagama Yeelan,

 

Distoor Jebinta Duulan Guracan,Dumin Magaaloyin,


 

Dadkii Barakac Iyo Ciidamada,Layska Dabar Gooyay,

 

Dunidaba Dagaal Wuu Dhacayo,Waa Dur Iyo Daabac,


 

Waxa Daran Dar Meel Lagu Xidho,Cidi Danaynaynin,

 

Dabar Iyo Hogaan Lagu Hayoo,Diilalyadu Haysoh,


 

Dunuubtaas Kuwii Geystayba,Doorasho U Taagan,

 

Damiir Xumaan Dadkay Caayayaan,Aan Damqanahayn,


 

Dayntaad Nagu Lahaydeen Gubto,Daalac Idin Raacye,

 

Dadkuun Mayska Qarisaan,Haddii Laydin Diliwaayay.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...