Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo Kormeer ku Tegay Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar

Tuesday February 24, 2026 - 11:44:22
HADHWANAAGNEWS
Kulan La Qaatay Ardaydii Hore



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kormeer shaqo ku tegay Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, si uu ugu kuurgalo xaaladda waxbarasho iyo deegaanka dugsiga.

 

Kormeerkan waxa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex iyo La-taliyaha Wasiirka.

 

Kulan La Qaatay Ardaydii Hore

 

Markii uu kormeerku soo dhammaaday, Wasiirku waxa uu kulan ballaadhan la qaatay ardaydii hore uga baxday dugsiga. Ardaydan ayaa ka warbixisay marxaladihii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray iyo kaalinta ay ku lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dugsiga.

 

Wasiirku waxa uu uga mahadnaqay doorka ay ka qaateen horumarka dugsiga, isaga oo ku tilmaamay mid sharaf iyo masuuliyad ku dheehan tahay.

 

Ballanqaad iyo Go’aan Cusub

 

Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa caddeeyey in Wasaaraddu diyaar u tahay kor u qaadista tayada dugsiga, isla markaana ay ka go’an tahay xal u helista baahiyaha iyo xuquuqda dugsigu leeyahay si loo helo deegaan waxbarasho oo dhammaystiran.

 

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu hakiyay dhismaha garoonka kubbadda cagta ee dugsiga Faarax Oomaar ilaa laga soo saarayo go’aan rasmi ah oo dambe, si loo hubiyo in arrimaha la xidhiidha dhismahaasi loo maro hab waafaqsan qorshaha iyo nidaamka wasaaradda.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada ee lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo hagaajinta kaabayaasha dugsiyada dalka.

     
Loading...