Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Qabatay Kulan Lagu Dardar-gelinayo Xeerka Summadaha Ganacsiga

Thursday February 12, 2026 - 16:26:52
HADHWANAAGNEWS
Gabagabadii kulanka waxaa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga

 

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay kulan ballaadhan oo la-tashi ah oo lagu falanqeeyey qaybo ka mid ah Qoraalka Xeerka Summadaha Ganacsiga. Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah laga helo daneeyayaasha kala duwan, si loo helo xeer dhammaystiran oo waafaqsan baahiyaha ganacsatada iyo suuqyada dalka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Eng. Maxamuud Xuseen Aadam (Jabaake), oo khudbaddiisa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda milkiilayaasha summadaha ganacsiga, isaga oo xusay in xeer casri ah uu horseedi karo koboc dhaqaale iyo kalsooni suuqeed.

Gabagabadii kulanka waxaa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ku bogaadiyey ka qaybgalayaasha doorkooda firfircoon, isaga oo tilmaamay in talooyinka iyo soo jeedimaha la soo bandhigay lagu dari doono dib-u-habaynta kama dambaysta ah ee xeerka.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in xeerka summadaha ganacsigu yahay tiir muhiim u ah ilaalinta tartanka suuban, isla markaana Wasaaraddu ay ka go’an tahay dhammaystirka xeerkan si uu ugu adeego danaha qaranka.

     
Loading...