Dalka waa in laga saaraa Dawlada Turkiga!.

Wednesday February 11, 2026 - 10:42:13
HADHWANAAGNEWS
Hadaba Turkigu tabtii Abeesadii farta loo taagay ee fanaxa

Waxa maalmahan danbe soo kordhaayey wararka isdaba socda ee kasoo yeedhaayey Dalka Turkiga taas oo ay Ku muujiyeen Diidmada qayaxan ee ay kaga soo horjeedaan Aqoonsiga Madax banaani ee ay heshay Jamhuuriyada Somaliland.

Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland oo laf dhuun gashay ku noqotay Himiladii iyo waxa uu Ku Naaloonaayey ama Ku hamiyaayey Turkigu, maxaa yeeley Dowlada taagta daran ee sidii mayd, naxashka saaran ee weliba ay Xamar ku hareero socdaan shisheeyuhu, si ay mudo u sii nagaado ama u sii riiqriiqdo ama naxashka Amison iyo Turkiga usii dul yuururto, waatii tidhi Turkiyow Qaado ama wada qaado Khayraadka Ku jira badaha qooriga Soomaaliya, waayo? Mar hadii Turkiga lahaasho Xasan Sheekh uu qalanka ugu duugay 95% in uu Turkiga yeelanaayo sow muu wadasiin?, halka 5% ta soo hadhay uu Jeebkiisa uu Xasan Sheekh u qoyndeeyey, se Dadkii Soomaalida ahaa ee uu Allah Ku galaday khayraadka ee uu siiyey Illaahay, dhadhamo ha joogtee uu qorsheeyey in aanay xitaa urin!, waar ninku daalinsanaa!.

Hadaba Turkigu tabtii Abeesadii farta loo taagay ee fanaxa u booday, ayuu suuraystay ama sawirtay xeebta qoori iyo Marin biyoodka ugu Shidan aduunka oo ah xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, Xeebahan Somaliland oo ah xeebo Macdan, Kaluun iyo Shiidaal Gowdiido ahna Marin biyoodka Aduunka ugu mudan, waayo? Waxa uu isku xidhaa Aduunka, Bariga fog, Aasiya, Afrika iyo Yurub, ma jirto Marin biyood Ka mudan ama Ku haysta Kaalinta koowaad ee uu Hormoodka ugu yahay Marin-biyoodyada aduunka.

Sikastaba ha ahaatee Turkigu waxa uu isku dayey in uu indho sarcaad uu u dhigo dawlada naxashka saaran ee Xamar, taas oo xitaa dayuuradihii dagaalka ee Turkiga ee uu Xamar ku hakiyey inuu Xuub caaro sheegtay in ay igu leeyihiin! Oo uu Ku hanjabayba!.

Waxa wax kasta kasii daran Tayyip Erdoğan ka Turkiga ee goor iyo ayaan meel walba la taagay Somaliland ma noqon karto Dal madax banaan, isaga oo iska indho tiraaya in aanu jirin sharci isku haynaaya Somaliland iyo Soomaaliya, waayo Jamhuuriyada Somaliland waxa ay madax banaanideeda ay qaadatay 26-Juun-1960 kii, halka ay Soomaaliya ay qaadatay 01-Julay-1960 kii, hadaba ma jirto Maalin la yidhaahdo maalinta Midowga oo ay Ku midoobeen labadaa dal oo ay wax kala saxeexdeen sharciyan!, Aan ahayn israac Jibaysan oo ay isku raaceen sidii ay iskugu keeni lahaayeen Shantii dal ee lagu sheegi jiray Shanta Soomaalida se may dhicin sidaa awgeed waxa isku keenay Koonfur iyo Waqooyi waxa ay ahayd raacdaynta Shantii dal se may suurtoobin sidaa awgeed israacu wuxuu ahaa mid Shan Ku salaysan se muu ahayn mid laba ku salaysan, haduu ahaan lahaa mid labo Ku salaysan wax baa lakala QORAN lahaa oo waxa la qoondayn lahaa Maalin ka dhaxaysa labada dhinac oo Maalinta Midnimada la odhan lahaa! Se waa waxaan Jirin.

Hadal iyo dhamaad waxaas ayaa lakala saxeexday dhaha oo miiska soo saara ama Damaca Turkiga sida Adhi dheemaal loo lulay aad Xamarey Turkiga u hor qamaamaysaan nala dhaafa waa waxaan soconahayne!.
Reer Somaliland mid aan Ku dheereeyo damacan Tayyip Erdoğan iska waabiya oo Dalkiisa haduu idinku yeedho ha u tagina, Jamhuuriyada Barakaysana Ka saara Dawlada Turkiga oo Dalnimadaada mid aan ogoleyn, adna Diid Dowladiisa oo Dalkaaga yuuna sii dhex joogin Ka saar!.

Dhanka kalana Saxansaxadii ictiraaf Dalal Kale oo horleh haday soo carfayaan ee waxaynu naawilnaa waa Foorihii, caydhkii iyo Dhibic Roob-Ictiraaf aan tabta maxiigaan ama Gu' curtay aan kala Go' lahayne Gacmaha is qabsada oo Guule Mahadii dhaha.

Nin diiday Sinaantiina
Adna Diid Sarayntiisa
Qadar Hooyoley.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...