Walaac aan lagula qaybsanaynin!

Tuesday February 10, 2026 - 08:07:22
HADHWANAAGNEWS
Iyaddu waxay dhadhaminaysay cunto macaan oo ka timid

Waxaan xidhiidh jaceyl oo aan waday kala kulmay wajigabax; gabadh aan is-aaminnay oo aan baraha bulshada ka wada xidhiidhanay laba sanno, laakiin aanan si waji-ka-waji ah isku arag. Xidhiidh baraha bulshada ah oo keliya, ayaa uu ahaa( virtual relationship). Iyaddu waxay guursanaysay nin guuleystay , aniguna waxaan ku sugnaa qolka sugitaanka shaqada wareysiga, aniga oo rajaynaya inaan ka baxo nolol laba sanno iyo badh ah oo aan ku soo qaatay shaqo la'aan.

Iyaddu waxay soo dhigaysay Instagram-ka sawirro gurigeeda cusub ee London, ee ay la deggan tahay ninkeeda ; mulkiilaha guriga aan galo ayaa i raadinayay , sababta oo ah ma aanan bixin kiradii laba bilood , aniga oo la ildarnaa dhaqaale xumo.

Iyaddu waxay dhadhaminaysay cunto macaan oo ka timid mid ka mid ah, makhaayaddaha adduunka ugu qaalisan, aniguna waxaan cunayay cunto laga helo jidadka yar yar, si aan lacag u kaydsado.

Iyaddu waxay safarro ku maraysay dunidda , waxayna la dalxiisaysay ninkeeda, aniguna waxaan la dagaalamaayay niyadjab daba-dheer. Waxaan qaadanaayay dawooyinka ka hortaga niyadjabka , waxaana saacado badan isku soo xidhay qol mugdi ah!

Hudheelka ugu qaalisan ayay habeenkaa kula qaadanaysay ninkeeda iyo asxaab aad isugu dhow yihiin , aniguna waxaan ku sugnaa banaanka qolka qaliinka oo ay hooyaday ku jirtay ; waxay ahayd habeen hurdo la'aan ah; maan warwarsan, qalbi jaban iyo jeeb madhan. Waxaad ugu soo dhacaysa heestii ahayd:
" Allahayow nin jeeb madhan
Ka janjeedho xaajaddu
Caawimaadda jecelaa".

Waxay ku mashquulsanayd inay ka-tukaamaysato tukaanka Asda ee ku yaalla wadanka Ingiriiska, aniguna waxaan ku mashquulsanaa inaan duruus bixiyo, si aan u helo lacag yar oo aan noloshayda ku maareeyo; dhana waxaan ka ahaa mid si adag wax u barta, si aan u helo shaqo wanaagsan.

Waxa ay Facebook-ga soo dhigtay sawir, iyada iyo ninkeeda ah oo dhoola-caddaynaya, iyaga oo wata gaadhi cusub oo BMW ah. Waa iska cibaaro ' e isla waqtigaas , anigu waxaan ka laalaaday bus cidhiidhi ah, xaallad neeftu ku qabanayso cidhiidhi awgeed .

Iyaddu waxay aad ugu faraxsanayd inay ku biirto shirkad ka mid ah kuwa ugu dhaqaalaha sarreeya dalka Maraykanka ( fortune company), aniguna waxaan ka shaqaynaayay hay'ad maxalli ah oo mushaharkeedu liito.
Markii ay ku raaxaysanaysay noqoshada hooyannimada , iyada oo dhashay ilmo yar oo qurux badan , anigu waxaan ku noolaa nolol kalinnimo ah, aniga oo Aabbahay ku qancinaya ereyaddan:

" Abbo, ha warwarin . Aniga ayaa maareyn doona dhammaan dhibaatada dhaqaale ee haysata qoyskeenna . Kalliya isii waqti yar oo dheeraad."

Aabbahay waxa uu taabtay gacantayda ; taabasho ay macnaheeddu tahay inuu si buuxda ii rumaystay.
Maalmo badan maan ooyin. Hadda waan necebahay nolosha macmalka ah ( virtual life ). Diiradda waxaan saaraa nolosha dhabta ah ama waaqiciga ah. Dhammaan diidmooyinkii, murugadii, silicii , guuldarrooyinkii iyo xanuunnadii aan soo maray; dhammaantood waxay iga dhigeen qof adag oo xooggan sida aan maanta ahay.

W/Q: Shovan chowdhury

W/T: Maxamed Haybe
Qoraa Maxamed Haybe <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...