HADHWANAAGNEWS
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim
A.S.C.W.R.W.B
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasheeda.
1-Xumaantay Sameeyeen,
Xaraaradeena Kiciyoo,
Xaqeenay Iftiinsheen.
2-Xayiraad Hawada Saare,
Xagkastaba Inaga Oode,
Xanaaqeena Yaa Shiday.
3-Xidhiidhkeena Yaa Jaray,
Xayraankeenii Ii-Fiisada,
Xamze Sool Ayaa U Diry.
4-Xanuunka Iyo Kulalkaad,
Xornimada Dareentaaye,
Xasil Been Ah Laga Roon.
5-Xadhigii Goynay Koowaad,
Xusuladaan Banaanaaday,
Xareediiba Soo Uraysuun.
6-Xisaabaha Inoo Hadhayse,
Xadigay Ka Badan Yahiine,
Xeeladiyo Tab Iyo Xoogba.
7-Xukuumada Ku Garab Gala,
Xuduudkii Adkayso Xidhane,
Xagna Looga Baqan Maayo.
8-Xaggeenan Gudaha Hoosaa,
Xashiish Badani Buuxaayoo,
Xaadhitaan Inaga Mudan.
Ismail Abdulla Handuleh
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!