Maxaynu heesaha u xifdinaa, laakiin u ilownaa Qur'aanka?

Thursday January 01, 2026 - 09:59:22
HADHWANAAGNEWS
Haddaba, maxaynu qabanaynaa? Waa inaynu dib usoo cusbooneynsiino...


Waxaynu saacado badan ku bixinnaa barashada heesaha. Kolba ta cusub ee soo baxda waynu ku hadaaqaynaa; tu raab ah ha ahaato ama ereyo kale oo ka geddisan ha ahaato. Laakiin, marka ay timaado Qur'aanka, waxa aynu kaga tagnaa khaanadaheenna ama waxaynu sudhnaa giddaarka; baabuurteena ayaa sudhnaa ama ka soo laalaadinaa mana akhrinno!

Wallaalow toos oo ku baraarugsanow:

Quraanku waa hadalkii Alle.
• Waxaa loogu talagalay in la akhriyo, la fahmo, laguna dhaqmo.

• Alle si toos ah ayaa uu inoola hadlayaa, Isaga oo adeegsanaya ereyadiisa.

Haddaba, maxaynu qabanaynaa? Waa inaynu dib usoo cusbooneynsiino xidhiidhkii aynu la lahayn Kitaabka.
Waan aqaanaa oo keliya looma baahna, waa inaad kala furtaa, akhridaa oo la noolaataa Qur'aanka.

Illaahay waxaan ka baryayaa inuu innaga dhigo ummaddii Qur'aanka.

W/T: Maxamed Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...