"Anagu Cidna Duulimaad Kuma Nihin Laakiin Ciddii na soo Doonataana Way ka Shanleyn Doontaa…"

Saturday April 26, 2025 - 11:04:27
hadhwanaagnews
Waxaannu xoojinay siyaasadii arrimaha dibada, maadaama....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay Somaliland cidna duulaan ku ahayn, balse ciddii iyada soo doonataa ay ka shalayn doonto.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda uu gadhwadeenka kayahay ay xoojisay siyaasada arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaasina ay dib boodhka uga jafeen saaxiibadii Somaliland ee caalamka si loo gaadho himilada Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Anagu cidna duulimaad kuma nihin, laakiin ciddii na soo doonataa way ka shanleyn doontaa.

 

Waxaannu xoojinay siyaasadii arrimaha dibada, maadaama uu hadafkeenu yahay iyo himilada shacbigu ba in aynu noqono dal madax bannaan, shirkii waynaa ee aan kaga qayb galay Imaaraadka waxaa ka soo qayb galay boqol iyo dhawr iyo afarta dal, wuxuu ahaa munaasibad wayn oo farriinteenii aynu halkaasi ka gudbinay, waxaan rajaynaynaa in farriinteenaasi ay gaadhay dunida inteedii badnayd.

 

Waxa aynu dib boodhka uga tunay dhammaan saaxiibadii Somaliland ee dunida joogay meel kasta oo ay ku sugnaayeen, waxaananu rajaynaynaa in shaqo wanaagsani ay halkaasi inooga qabsoomto, mustaqbalka dhaw oo aynu gaadhno himiladeenii aynu ku taamaynay mudada dheer”.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sidan ka sheegay khudbad uu ka jediyay munasibad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-ka maalmood ee xukuumadda oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

 

"Waxaan idin xasuusinayaa, go’aan kasta oo aynu qaadano, waxqabad kasta oo aynu qabanno, dhaliil kasta oo aynu yeelano, waxa ay raad ku yeelan doontaa in dadku mar labaad ina aaminaan,” ayuu yidhi madaxwaynuhu, waxaanu intaasi ku daray "Boqolka maalmood ee u horreeya waxqabadka xukuumaddu waxa uu ku salaysnaa oo saldhig u ahaa barnaamijkii siyaasiga ahaa ee xisbiga, oo ka koobnaa tiirarkii halkan laga sheegay.

 

Caawa halkan umaynaa iman inaynu dadka u faanno, laakiin waxa aynu u nimi inaynu dadka u sheegno wixii inoo qabsoomay boqolka maalmood, waxaan u sheegayaa dhamaan masuuliyiinta kala duwan, in qof kasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in uu ina dhaliilo, inaguna aynu dhagaysano oo inaga oo isku kalsoon aynu ka jawaabno ama saxno wixii dhaliil ah ee la inoo soo jeediyay haday jirto.”

 

Madaxwaynuhu Somaliland ayaa sheegay inay 100-kii maalmood ay xukuumadda u qabsoomeen hawlo adag waxaanu yidhi ”Waxa inoo qabsoomay runtii 100-ka maalmood hawlo adag, waxa aynu u badheedhnay hawl adag, laakiin inoomay suurto gasheen haddii shacbiga, masuuliyiintii aynu dirnay, salaadiinta, goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Taliyeyaasha ciidamada haddii aanay ka qayb qaadan may suurto gasheen.

 

Waxa ILLAAHAY mahadii ah in dhammaan ciidamadii madaniga ahaa in yar oo fara ku tiris ah ay ka hadheen, intaasina maalmaha soo socda ay dhamaanayso.

 

Waxa aynu ku dhiiranay barnaamijka casriyaynta ciidamada kala duwan ee Qaranka, kaasi oo isna soo dhamaaday, waxaan u mahad-naqayaa guddidii wasiirada ee hawshaasi aan u magacaabay iyo guddidii farsamada iyo Komiishanka doorashooyinka oo iyaguna gacan wayn naga siiyay hawshaasi fulinteeda.”

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisu ku dedaalayso in dib u habayn lagu sameeyo hannaanka dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi "Waxaanu ku dedaalaynaa in aanu dib-u-habayn ku samayno hannaankeena dhaqaalaha oo la casriyeeyo, taasi oo u sahli doona Hay’adaha Maaliyadda ee wasaaradda maaliyadu ugu horrayso iyo Baanka dhexe in nidaamkeena dhaqaaluhu noqdo mid ku salaysan isla xisaabtan, sida la sheegay waanu joojinay dhamaan Hay’adihii dakhliga gaarka u qaban jiray, shillin kasta oo dawladda soo galaa maanta toos buu ugu dhacaa wasaaradda Maaliyadda, waxaanu go’aansanay in shillin kasta oo ummadani leedahay uu khasnada dawladda ku soo xeroodo.

 

Waxa kale oo aan shacabka u sheegaynaa ballan-qaadkayagii ahaa in xukuumadu aanay u dulqaadan doonin musuq-maasuq uu yahay boqolkiiba boqol.”

     
Loading...