Waa Maxay Abraham Accords? Xaqiiqda iyo Fahamka Qaldan ee Ku Xeeran.

Tuesday December 30, 2025 - 09:18:30
HADHWANAAGNEWS
Ujeeddada Abraham Accords waa:
Waxaa jira dad badan oo isweydiinaya waxa dhab ahaan uu yahay (Abraham Accords) halka kuwo kalena si khaldan loogu sheegay inuu yahay diin cusub ama qorshe diimeed lagu beddelayo caqiidooyinka jira.
Fahamka noocaas ah waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, kana fog xaqiiqda rasmiga ah ee heshiiskan.

Abraham Accords waa heshiisyo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, oo aan wax xidhiidh ah la lahayn diin, caqiido, ama cibaado.

Heshiisyadan waxaa si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2020, waxaanu dhex maray Dowladda Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Muslimka, iyadoo Dowladda Maraykanku ahayd gadhwadeen iyo dhexdhexaadiye.
Maxaa Loo Sameeyay Abraham Accords?

Ujeeddada Abraham Accords waa:

In la caadiyeeyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka heshiiska galay
In la xoojiyo amni wadaag, ganacsi, iyo maalgashi

In la fududeeyo iskaashi dhinacyada teknoolojiyadda, waxbarashada, iyo socdaalka
In la yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka Bariga Dhexe
Heshiiskani waa mid ku salaysan dan qaran iyo istaraatiijiyad siyaasadeed, ee ma aha mid ku dhisan caqiido diimeed.

Arrinta Magaca "Abraham”
Magaca Abraham (Nabi Ibraahim CS) waxaa loo adeegsaday astaamo taariikhi ah oo muujinaya wadajir iyo wada-noolaansho, maadaama Nabi Ibraahim uu astaan u yahay diimaha Tawxiidka. Si kastaba ha ahaatee, magacu macnihiisu ma aha diin cusub, mana jiraan wax qodobo heshiiska ku jira oo la xidhiidha:
beddelidda diimaha
mideynta caqiidooyinka
ama faragelin arrimaha diinta
Heshiisku waa mid dowladnimo iyo siyaasadeed oo kaliya.

Dalalka Muslimka ee Saxeexay Abraham Accords
Ilaa hadda, afar (4) dal oo Muslim ah ayaa si rasmi ah u saxeexay ama uga mid noqday Abraham Accords, kuwaas oo kala ah:
Midowga Imaaraatka Carabta (UAE)
Baxreyn
Morocco
Suudaan
Dalalkan go’aankooda kuma salaysnayn diin, balse wuxuu ku salaysnaa danahooda qaran, amni, iyo dhaqaale.
Gunaanad
Sidaas darteed, Abraham Accords ma aha diin cusub, mana laha wax shaqo ah oo diimeed. Waa heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dowlado, ujeeddadiisuna tahay horumarinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah. Ku tilmaamidda heshiiskan inuu yahay diin ama mashruuc diimeed waa faham qaldan oo aan ku dhisnayn xaqiiqo.

Waxaa muhiim ah in bulshadeennu ay kala saarto diinta iyo siyaasadda, ayna ku saleeyaan aragtidooda xog sax ah iyo faham dhab ah.
W/Q
Xamse Siyaad Aw Cabdi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...