Mushahar la'aan Sababay in la Joojiyo Duulimaadyada Maraykanka

Saturday November 08, 2025 - 16:55:38
hadhwanaagnews
Go'aankan ayaa la gaaray kadib markii kontaroolayaasha duulimaadyada ....



Hoos u dhigidda duulimaadyada ayaa si rasmi ah uga dhaqan gashay Mareykanka, iyadoo hakadka howlada dowladda ay wali sii socoto, taasoo keentay in kontaroolayaasha hawada aanay mushahar helin. Shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa baajiyay boqolaal duulimaad.

Go’aankan ayaa la gaaray kadib markii kontaroolayaasha duulimaadyada ay soo sheegeen daal iyo culays shaqo, taasoo sababtay in loo baahdo in la dhimo adeega si loo hubiyo in hawada Mareykanka ay ammaan u ahaato rakaabka, sida uu sheegay Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA).

Maadaama ay yihiin shaqaale muhiim ah, kontaroolayaasha duulimaadyada waxaa lagu qasbay inay sii shaqeeyaan iyagoo aan mushahar helin, intii lagu jiray hakadkii dowladda ee ugu dheer ee abid ka dhaca Mareykanka. Ururrada shaqaalaha ayaa sheegay in tani ay sababtay walaac, xanuun iyo culays nafsi ah, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaha ay ku khasbanaadeen inay shaqooyin kale qabtaan si ay u daboolaan baahida nolosha.

     
Loading...