Qoraal Doodeed Baarlamaan: Joojinta Mushaharka Agaasimayaashii Hore ee aan Xil Haynin .

Thursday November 06, 2025 - 10:51:17
hadhwanaagnews
Mudane Guddoomiye, Mudanayaal Golaha Baarlamaanka,




Waxaa laga xumaadaa in ay jiraan Agaasimayaal Guud oo xilkii laga qaaday, hadana si joogto ah mushahar uga qaata dawladda iyagoo aan wax shaqo ah u hayn shacabka ama xukuumadda.
Arintani waxay si toos ah uga hor imaaneysaa caqliga, caddaaladda, iyo mas’uuliyadda dawladnimo.
Waa musuq-maasuq sharciyeysan oo dhaawacaya kalsoonida shacabka, lunsanaya hantida qaranka, kana hor imanaya mabda’a dawlad wanaaga.

Waxaan halkan ku soo jeedinayaa in si deg deg ah loo joojiyo mushaharka dadka aan xil iyo sgaqo haynin, loona bedelo xeer kasta oo u ogolaanaya in mushahar lagu bixiyo shaqsi aan wax xil ah u hayn xukuumadda ama shacabka.

1-
Ma hayaan xil rasmi ah oo ay u qabtaan xukuumadda ama shacabka
- Agaasimayaashii hore ee xilka laga qaaday ma hayaan wax shaqo ah oo rasmi ah.
- Ma jirto waajibaad ay u gutaan shacabka ama hay’adaha dawladda.
- Mushaharka ay qaataan waa mid aan sal sharci iyo shaqo toona lahayn.

2-
Maxaa mushaharka loogu sii shubaa?
- Waxaa lagu sii shubaa iyadoo la adeegsanayo xeerar duugoobay ama aan si cad u qayaxin xaaladda Agaasimaha xilka laga qaaday.
- Waxaa laga yaabaa in loo arko "shaqaale dawladeed” balse aysan jirin mansab rasmi ah oo ay hayaan.
- Mushaharkaasi wuxuu noqonayaa mid lagu lunsado hantida dadweynaha.

3-
Maxay ku heleen sharcigaas?
- Sharciga ama xeerka u ogolaanaya mushaharka Agaasimaha xilka laga qaaday waa mid u baahan dib-u-eegis.
- Waxaa laga yaabaa in xeerkaasi uusan si cad u qayaxin in mushaharka la joojiyo marka xilka laga qaado.
- Waxaa sidoo kale suuragal ah in la adeegsanayo musuq-maasuq iyo xidhiidh siyaasadeed si mushaharka loo sii wado.

4-
Maxaa loo bedeli waayay xeerkaas?
- Waxaa muuqata in aysan jirin rabitaan siyaasadeed oo lagu bedelo xeerkaas.
- Golaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa in ay si deg deg ah u bedelaan xeerkaas si loo joojiyo musuq-maasuqa.
- Haddii xeerkaasi jiro, waa in si cad loo bedelaa, loona sameeyo xeer mamnuucaya mushaharka dadka aan xil haynin.

5- Musuq-maasuq soo jireen ah oo baahsan
- Waxaa jira dad badan oo mushahar ka qaata dzwladda iyagoo aan wax shaqo ah u hayn shacabka.
- Waxaa jira ciidamo beenta ah oo kumanyaal ah oo mushahar lagu qaato.
- Waxaa jira shaqsiyaad mushahar ka qaata laba ama saddex wasaaradood.
- Waxaa jira dad dalka jooga oo mushahar ka qaata iyagoo aan waxba u qaban xukuumadda Somaliland.
- Waxaa jira hay’ado iyo ururo gudaha iyo dibadda ka jira oo mashaariic iyo mushahar ka qaata Somaliland iyagoo aan xukuumaddu ogayn.
- Waxaa jira dad lagu naas-nuujiyo mushahar iyagoo aan waxba u qaban xukuumadda.
- Waxaa jira saxafiyiin iyo kooxo warbaahineed oo lagu laaluusho si ay uga aamusaan xukuumadda.
- Waxaa jira odayaal, ganacsato, iyo dad caan ah oo mushahar la siiyo iyagoo aan waxba u qaban dalka iyo dadka.
- Waxaa jira dad qurbaha jooga oo mushahar ka qaata xukuumadda iyaga oo aan wax shaqo ah u haynin xukuumadda.

6-
Talo iyo Talaabo Degdeg ah
- Waa in la sameeyo baadhitaan madax-bannaan oo lagu ogaado dadka mushaharka qaata iyagoo aan xil haynin.
- Waa in la joojiyo mushaharka dadka aan wax xil ah u hayn.
- Waa in la bedelo xeer kasta oo u ogolaanaya mushahar aan sal sharci lahayn.
- Waa in la xoojiyo isla xisaabtanka, la xidho godadka musuq-maasuqa, lana ilaaliyo hantida shacabka.
- Waa in laga jaraa cid kasta oo aan xukuumadda iyo dalka u shaqeyn. Haday tahay Agaasimayaashii hore ama wasiiradii hore ama wasiiro ku xigeenadii hore ,
-

Ujeedadaydu waa in la ilaaliyo caddaaladda, la xoojiyo dawladnimada, lana joojiyo musuq-maasuqa soo jireenka ah.

Waxaan rajeynayaa in Golaha Baarlamaanka uu si deg deg ah uga falceliyo arintan, loona bedelo xeerarka si waafaqsan maslaxadda shacabka iyo dawlad wanaaga.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...