Qaladkii Xukuumadii hore iyo Mucaaradkii hore.

Wednesday December 24, 2025 - 10:51:30
HADHWANAAGNEWS
Xukuumad Cusub iyo Waajibaadka Horyaalla



Xukuumadda cusub ee Somaliland oo iminka sanad jirsatay, waxa ay la wareegtay talada dalka iyada oo ay ka horreeyaan duruufo adag oo ka dhaxlay xukuumaddii hore.
Dhaqaalaha qaranku wuxuu ahaa mid aad u liita , khasnaddu way madhnayd, dayn badanna waa lagu reebay. Sidoo kale, arrimaha dibedda qaladaad baa ka jiray, amniga gudaha daciif ayuu ahaa, bulshada dhexdeedana kala fogaansho ayaa ka muuqatay.

Haddaba, Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro looma dooran in ay marmarsiiyo ka dhigato wixii hore u dhacay, balse waxa loo doortay in ay saxdo dhammaan khaladaadkaas, isla markaana ay hirgeliso isbeddelkii ay ballanqaadday. Isbeddelkaas iyo hagaajintaas ayaana maanta laga sugayaa.

Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ah mararka qaar marka ay ku kacaan hadal ama ficil qaldan, waxay ku difaacaan in kuwii horeba sidaas ayay samayn jireen.

Hase yeeshee, qaladkii shalay dhacay ma aha sabab lagu sii wado qalad maanta.

Wixii qaldanaa ee hore loo sameeyay, in maanta lagu daydo ma aha waddadii saxda ahayd.

Sidaa awgeed, labada arimoodba waa in la saxo:
xukuumaddu waa in ay ka dhabayso ballanqaadkeedii isbeddel,
mucaaradkuna waa in uu noqdaa mid masuul ah oo wax dhisa, kana fogaada hadal iyo ficil qaldan. Taasi waa jidka horumarka iyo mas’uuliyadda qaran.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...