Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu shalay ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa uu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee xukuumadda Wadajir iyo Waxqabadka ay ugu jirto xoojinta nabadda, midnimada, iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.
Shirka Qaran ee ka furmaya Ceerigaabo waa madal taariikhi ah oo muhiim u ah geeddi-socodka nabadda iyo dhismaha qaranimada. Waxa lagu lafagurayaa arrimo ay kamid yihiin: isu-soo dhawaanshaha bulshada, dhameystirka tabashooyinka bulshada wada deggan gobolka Sanaag, iyo horumarinta kalsoonida dadka ku dhaqan gobolkaasi. Madaxweynaha ayaa marar badan muujiyey sida ay arrimahan muhiimka ugu yihiin qaranka iyo xukuumaddiisa, isagoo tacab badan geliyey sidii xal waara looga gaadhi lahaa.
Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu muujinayaa in xukuumadda uu hoggaaminayo ay si dhab ah ugu heelan tahay inay dhageysato shacabka, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada ay ka jireen tabashooyinka siyaasadeed. Tani waa tallaabo muujinaysa masuuliyad qaran oo daacadnimo ku dhisan, isla markaana lagu wajahayo dhismaha kalsoonida shacabka.
Shirka nabadda ee ka furmaya magaalada Ceerigaabo waa dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa jihada cusub ee siyaasadda xukuumadda Wadajir iyo Waxqabadka, ee ku saleysan dadaalla dhismaha iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Somaliland. Waxa bogaadin gaar ah mudan in xukuumaddu ay si dhab ah u hirgelisay gogoshii nabadda ee uu dhigay Madaxweynaha Qaranku, taas oo yeelatay midho-dhal siyaasadeed iyo bulsho oo dhab ah, isla markaana soo afjartay kala qeybsanaantii ka dhex jirtay bulshada gobolka. Taasi waa tiirka ugu weyn ee lagu gaadhi karo horumar iyo aqoonsi caalamiga ah.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha JSL iyo furitaanka shirka ayaa xambaarsan farriin qaran oo cad, taasoo muujinaysa in Somaliland ay tahay dal jecel nabadda iyo xasiloonida, isla markaana khilaafaadka maxaliga ah lagu xalliyo wadahadal iyo isu tanaasul, iyadoo la ilaalinayo nabadda, midnimada, iyo sharafta ummadda.
Waxa xusid mudan in Safarka uu Madaxweynaha ku wehliyayUgaaska Guud ee Beelaha Gobolka Awdal,Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi, taasoo micno qoto dheer u leh wada-jirka bulshada iyo ka qaybgelinta dhammaan qaybaha bulshada ee hanaanka nabadaynta.
Ka-qaybgalka ugaaska guud ee beelaha Awdal ee safarka Madaxweynaha wuxuu astaan u yahay doorka muhiimka ah ee dhaqanka iyo odayaasha bulshada ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo xoojinta isku duubnida qaranka. Tani waa farriin cad oo muujinaysa in nabadda iyo wada-noolaanshuhu aanay ahayn kaliya masuuliyad dowladda saaran, balse ay tahay masuuliyad guud oo ay leeyihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, laga bilaabo dawladda, dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada. Sidoo kale Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Ceerigaabo iyo ka-qaybgalka Ugaaska Guud ee Awdal waa tusaale ka tarjumaya himilada cusub ee dhismaha qaran ku dhisan wada-tashi, is-ixtiraam, iyo wada-jir bulsho.
Sidoo kale, wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno sare oo ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood u socda sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dhamaystirka wadahadalka nabadeed iyo dardargelinta go’aamada laga gaadhayo.
Shacabka magaalada Ceerigaabo ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyadoo xaflad kooban oo soo dhaweyn ah lagu qabtay xarunta gobolka Sanaag.
Shirka nabadda ee Ceerigaabo waxa uu ka tarjumayaa midnimo qaran iyo damiir siyaasadeed oo bisil, taas oo ay xukuumadda Madaxweyne Cirro u aragto ahmiyadda koowaad ee xilligan la joogo. Waxa uu tusaale u yahay sida ay Somaliland ula tacaalayso arrimaheeda gudaha iyadoo aan faragelin dibadeed loo baahnayn, taas oo markhaati u ah madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo biseylka bulshada.