Markii uu madaxweynaha Kenya gaadhey garoonka diyaaradaha...
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa si uu uga qayb galo shirweynihii labaad ee Afrika ee la xidhiidha isbeddelka cimilada.
Markii uu madaxweynaha Kenya gaadhey garoonka diyaaradaha ee Bole, wasiirka Gaadiidka, Saadka, Dr. Alemu Sime, iyo wasiirka Beeraha, Addisu Arega, ayaa siweyn u soo dhaweeyay.
Shirka labaad ee Afrika ee isbeddelka cimilada ayaa ka furmi doona Addis Ababa maalinta berri ah haddii Alle yidhaahdo.
Madaxda dalal kala duwan ayaa sii isdaba jooga ugu qulqulaya Addis Ababa si ay uga qayb qaataan shirka muhiimka ah.