Warbixin Golaha Guurtida Somaliland iyo Go'aanka Banka Tog-wajaale

Saturday August 23, 2025 - 14:52:03
hadhwanaagnews
Warbixintu waxay caddeysay in dhulka muranku ka taagan
 
May be a graphic of 5 people and dais

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyuhu waxa uu golaha ku wargeliyay in la dhageysto warbixinta Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida.

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, oo ka tirsan guddidaasi, ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin faahfaahsan, oo ku saabsan Masuuliyiintii ay la kulmeen, arrinta Banka Tog-wajaale, halkaas oo cabasho xooggan ay ka muujiyeen shacabka deegaanka faragelin lagu sameeyay, kaas oo u dhaxeeyay dadka degaanka iyo dowladda.

Nuxurka Warbixinta Guddida
• Guddidu waxay xustay inay arrintan u arkeen mid la mid ah khilaafkii hore uga dhacay Banka Tog-wajaale sanadkii 1996-kii, taas oo sababsatay dilkii laba nin oo ka kala tirsanaa beelaha Baha Aadan iyo Reer Nuur, khilaafkaas oo markaas Golaha Guurtidu ku jiray xallintiisa.

• Warbixintu waxay caddeysay in dhulka muranku ka taagan yahay aanu hore ugu jirin mashaariicdii dowladda, isla markaana aysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku saabsan sida shirkadaha maalgashiga loogu wareejiyay dhulkaasi.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo saaray go’aamo muhiim ah oo ku saabsan khilaafka dhulka banka Wajaale ee u dhexeeya beelaha Baha Aadan iyo Reer Nuur.

Guddidu waxay arrintaasi ka soo saartay labada qodob oo mihiim ah
1. In la dhowro heshiiskii labada beelood gaadheen 18/7/2025, laguna ekaado dhulka hore loogu asteeyay mashruuca dowladda, maadaama dhulka galbeedku uu leeyahay dad shacab ah isla markaana uu hore uga jiray go’aan Guurti oo xanibaya faragelinta dhulkaasi.

2. In ilaa si rasmi ah loogu qaybinayo dhulka labada beelood, uu gacanta ku sii hayo ciidanka Qaranka Somaliland, si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta deegaanka.

Go’aamadan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah xasiloonida, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.
     
Loading...