Bismillah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Xumaha Loo Badanyaho,Xaqdhawrkii Wuu Yaryahay,
Xarunta Aad Gaadhaysan,Xaajadeda Inaga Hubsada.
2-Xisaabtii Yukarayn Heshiyo,Xaqiraada Ha Qaadanina,
Xoolaba Yaynaan Haysanine,Xalaal Baynu Quudanaa.
3-Xaqay Ka Qarinayaan,Aduunka Loo Xaydanyahay
Xishood Waa Gobanimo,Xarago Waa Lagu Dhinta.
4-Xidigahaan Joogna Sare,Xaagaan Ma U Xilan Kara.
Xag Allah Shay Kaga Xidhan,Miyu Xoog Ku Imanaya.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!