Xuska Munaasibadda Maalinta Dhallinyaradda Adduuunka: Awoodsiinta Da'yarta JSL

Wednesday August 13, 2025 - 09:56:28
hadhwanaagnews
Fariinta munaasabaddan waxay ahayd mid si toos ah u taabanaysa nolosha ..



Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa qaaday tallaabo qiimo leh oo lagu xoojinayo kaalinta dhalinyarada ee horumarka dalka, iyada oo magaalada Hargeysa si rasmi ah loogu qabtay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka. Munaasabaddan oo sannad walba la xuso 12-ka August, ayaa sannadkan waxaa loogu dabaaldegay halku-dhig qiimo badan xambaarsan:Awood-siinta Dhallinyarada JSL.

Fariinta munaasabaddan waxay ahayd mid si toos ah u taabanaysa nolosha da’yarta Somaliland, kuwaas oo ah laf-dhabarta bulshada, tiir-dhexaadka horumarka, iyo hogaamiyeyaasha berri. Wasaaraddu waxay xuskan ka dhigtay madal lagu dhiirrigelinayo midnimada, shaqo-abuurka, ka fogaanshaha khataraha nolosha, iyo kobcinta hal-abuurka dhalinyarada. Baaqyada kasoo yeedhay mas’uuliyiinta kala duwan ee dawladdam laga bilaabo Wasiirka, wasiir ku xigeenka ilaa Agaasimeyaasha Guud, waxay dhammaantood si wada-jir ah u muujinayeen hal faririn oo ku salaysan "Dhallinyarada waa in la garab istaago si ay ugu noqdaan xoogga dhaqaale, nabadeed iyo horumar ee waddanka.”

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa si qurux badan u agaasintay xuskan, iyadoo fariimo wax ku ool ah laga jeediyay madasha, kuwaas oo dhinacyo badan taabanaya jeedouau, isla markaana la xidhiidha badbaadada iyo badqabka nololeed ee dhalinyarada, laga bilaabo midnimada da’yarta, ilaa ka hortagga khataraha tahriibka, mukhaadaraadka, iyo qabyaaladda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Mudane Axmed Yaasiin Maxamed Faarax oo munaasiabadda hadal ka jeediyay ayaa xusay in maalintani tahay fursad muhiim ah oo lagu xusuusto kaalinta dhallinyarada ee horumarinta Somaliland, isaga oo ku baaqay in la taageero fursadaha waxbarasho, shaqo-abuur iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada."Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL waxaa ka go’an in aanu dhalinyarada Somaliland rejo u abuurno” ayuu yidhi wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu furay bog cusub oo dhiiri-gelinaya horumarka dhalinyarada Somaliland, kaas oo ah mid rajo ku dhisan. Hadalkaas Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ee ku saabsan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxa uu ahaa mid ka tarjumaya aragti qaran iyo qorshe sugan oo la doonayo in lagu dhiso jiil cusub oo karti, hami iyo himilo leh. Taas oo ah ballan qaad rasmi ah oo xambaarsan rejo iyo yididiilo, waa farriin xambaarsan mas’uuliyad siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale.

Sida ka muuqata hadalka wasiirka wasaaradda ciyaaraha JSL Mudane Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, fursadaha waxbarasho, shaqo-abuurka, iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo ummad kasta. Haddaba, baaqa Wasiirka wuxuu si mug leh u tilmaamayaa in Wasaaraddu aanay ka hadleyn dhalinyarada oo keliya, balse ay ka shaqeynayso sidii loo abuuri lahaa nidaam joogto ah oo da’yarta lagu maalgaliyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jidhe), ayaa markale u muuqday inuu yahay codkii da’yarta. Baaqiisa midnimo, wacyi, iyo feejignaan bulsho wuxuu ahaa mid si toos ah qalbiga ugu dhacaya jiilka cusub ee Somaliland. "Aynu u midowno kana fogaano tahriibka, mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nolosheena halis gelin kara” ayuu yidhi Jidhe, taas oo ah fariin qaran oo kaalin weyn ka qaadanaysa dhismaha mustaqbalka Jiilka Cusub e Somaliland.

Agaasimaha guud waxa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay garab-istaagga da’yarta marka ay la kulmaan caqabado noloshooda curyaamin kara. Digniintiisu waxay ahayd mid la taaban karo oo aan la iska indho tiri karin, waana sababta falanqaynani ay sida weyn u ammaanayo hoggaamintiisa wacyigelinta leh.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase ayaa isaguna sheegay in Somaliland ay maanta marayso meel aad u wanaagsan, isla markaana uu dalka ka socodo horumar aad u ballaadhan oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada reer Somaliland waxaanu yidhi "Dalkeenu maanta maalin uu ka fiican yahay ma jiro”

Hadalkii uu jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), ayaa ahaa mid si niyad-dhis ah ugu hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan horumarka waddanka.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tiras golaha wakiillada Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo geesinimo leh. Wuxuu si cad u codsaday in miisaaniyadda ugu badan ee qaranka loo qoondeeyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Fikraddan waxa ay u qalantaa in si qaran loo taageero, maadaama dhallinyaradu yihiin tiirka ugu weyn ee mustaqbalka Somaliland ku tiirsan yahay.

Gunaanad:

Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee Somaliland waxa ay noqotay mid dhab ahaan u matasha baahiyaha, himilooyinka, iyo halganka da’yarta. Fariimaha laga jeediyay madasha waxa ay ka tarjumayaan qaan-gaadhnimada qorshaha Somaliland ee ku wajahan jiilka cusub.

     
Loading...