Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Mudane Cismaan Nuur Afgaab...
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh kor u qaadista dhaqaalaha dalka, kadib markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL ay si rasmi ah u soo bandhigtay qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo gaadiidka xamuulka ee ka hawlgala dekedda Berbera. Qorshahan ayaa ah mid si cad uga jawaabaya baahida sii kordheysa ee adeegyada xamuulka, wuxuuna sidoo kale ka tarjumayaa istaraatiijiyad qaran oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha maxaliga ah iyo kor u qaadista isu socodka ganacsiga gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Mudane Cismaan Nuur Afgaab, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshahan oo diiradda saaraya hagaajinta nidaamka gaadiidka xamuulka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xalinta caqabadaha sharci iyo farsamo ee jira, iyo abuurista fursado shaqo iyo maalgashi oo cusub. Kulankan lagu soo bandhigay qorshaha ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee wasaaradda Gaadiidka, Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga, iyo wakiillo ka kala socday Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha. Iskaashigan ballaadhan ayaa muujinaya wadajir iyo is-faham qaran oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo qeybaha ganacsiga gaarka ah.
Dekedda Berbera, oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland iyo marin istaraatiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka Geeska Afrika, ayaa qorshahan cusubi waxa uu u oggolaanayaa in si hufan loo dardargeliyo adeegyada dekedda, isla markaana loo maareeyo habsami u socodka xamuulka iyo badeecadaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya dekedda Berbera. Tani waxay suurtogal ka dhigeysaa in badeecaduhu ay si degdeg ah u gaadhaan suuqyada maxaliga ah iyo kuwa gobolka, iyadoo sidoo kalena la xoojinayo hufnaanta iyo waxtarka adeegyada gaadiidka.
Qorshahan cusubi wuxuu fure u yahay soo jiidashada maalgashi cusub, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada, iyo dhisidda nidaam gaadiid oo casri ah oo u adkaysan kara culeyska xamuulka sii kordhaya. Waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa sumcadda Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera oo qayb weyn ka ah isku xidhka ganacsi ee mandaqada iyo dalalka deriska la ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Nuur Afgaab, ayaa ku tilmaamay qorshahan mid lagama maarmaan u ah kor u qaadista isu socodka ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka. Waxa uu sidoo kale xusay in horumarinta adeegyada gaadiidka xamuulku yahay tiir muhiim u ah siyaasadda xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Nuur), ayaa isna door muuqda ka qaatay iskaashiga dowladeed ee lagu horumarinayo dhaqaalaha horumarinta qorshan lagu dardargelinayo adeegyada xamuulka ee dekedda Berbera, isaga oo iftiimiyay muhiimadda qorshahan lagu horumarinayo gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeeya dekedda Berbera. Isaga oo tilmaamay in uu yahay mid si weyn u taageeraya kobaca ganacsiga, dalxiiska, iyo isu socodka badeecadaha gudaha iyo gobolka.
Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Muuse Yuusuf Ibraahim, ayaa isaguna si qoto dheer uga warbixiyay qorshahan, isaga oo caddeeyay ahmiyadda uu u leeyahay hagaajinta nidaamka isku socodka xamuulka, xoojinta adeegyada, iyo diyaarinta korodhka dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekedda Berbera sannadaha soo socda. Waxa uu sheegay in qorshuhu yahay mid istaraatiiji ah oo looga golleeyahay yareynta caqabadaha isu socodka iyo kor u qaadista tayada adeegyada.
Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sidoo kale ka qayb galay kulanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ganacsiga iyo ganacsatadu ku leeyihiin hirgelinta qorshahan, iyo sida iskaashiga dowladda iyo ganacsigu uu u yahay laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha qaranka. Waxa uu tilmaamay baahida loo qabo in la abuuro jawi sharci iyo farsamo oo u oggolaanaya ganacsiga inuu si hufan u shaqeeyo, isla markaana uu dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo dibedda.
Masuuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ka qayb qaatay kulanka, taasoo muujinaysa isku-duubni iyo iskaashi ballaadhan oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ganacsiga gaarka ah ee dalka. Iskaashigan ayaa muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo gaadhista himilooyinka dhaqaale iyo amni ee qaranka.
Tallaabadan horumarineed ayaa laf-dhabar u ah kor u qaadista doorka istaraatijiga ah ee Dekedda Berbera, oo ah albaabka ganacsi ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la filayaa in qorshahani uu si muuqata u dardar-geliyo isu socodka xamuulka, taas oo kaalin mug leh ka geysanaysa in badeecaduhu ay si habsami leh, hufan oo xawaare leh uga gudbaan dekedda, una gaadhaan suuqyada gudaha iyo kuwa gobolka ba.
Sidoo kale, qorshahan ballaadhan waxa uu dhisayaa jawi furan oo dhiirrigelinaya maalgashiga, isaga oo fursado cusub u abuuraya maalqabeennada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Shaqo-doonka iyo dhallinyaradu waxay heli doonaan fursado shaqo iyo xirfad-abuur oo ka dhalanaya ballaadhinta adeegyada gaadiidka iyo kobaca dhaqdhaqaaqa dekedda. Tani waxay si toos ah uga qeyb qaadanaysaa yaraynta shaqo la’aanta, kordhinta dakhliga, iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka. Sidoo kale waxa uu sal u yahay horumar waara oo dhinacyo badan leh, wuxuuna Somaliland u dhigayaa tub cusub oo lagu gaadhi karo istaraatiijiyadda qaran ee ah in Berbera ay noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah oo u adeegta gobolka Geeska Afrika.
Wargeyska Dawan wuxuu si buuxda u bogaadinayaa dadaallada Wasaaradda Gaadiidka iyo dhammaan hay’adaha la shaqeeya, isagoo ku baaqaya in qorshahan si hufan oo daahfuran loo fuliyo, loona waafajiyo qorshaha guud ee horumarinta qaranka.