Siyaasiyiin Xisbiga KULMIYE ah oo Go'aamo soo Saaray

Sunday July 20, 2025 - 16:23:57
hadhwanaagnews
Qodobada shirkaasi ka soo baxay na waxay u dhignaayeen sidan:


Siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee ka soo deegaannada Gobollada Maroodi/jeex, Gabiley, Saaxil iyo Togdheer oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray dhawr qodob la xidhiidha masiirka iyo mustaqbalka xisbiga, iyaga oo sheegay in KULMIYE diyaar u yahay in qaato doorkiisa mucaaradnimo.

Siyaasiyiintan oo isugu jiray xubno ka kooban hoggaanka sare ee Xisbiga, guddida fulinta iyo xildhibaanada xisbiga ku metela gobolada Maroodijeex, Gabiley, Saaxil iyo Togdheer, ayaa soo saaray afar qodob, waxaanay tilmaameen in xubnahani ay ka midaysan yihiin hawlaha Xisbiga, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xisbiga.

Qodobada shirkaasi ka soo baxay na waxay u dhignaayeen sidan: "1.In xubnaha shirkan fadhiya ee ka kooban hogaanka Xisbiga, fulinta iyo xildhibaanada ay xisbiga ku metelaan gobolada Maroodijeex, Gabiley, Saaxil iyo Togdheer kuna midaysan yihiin hawlaha Xisbiga wax khilaaf ah oo u dhexeeyaana aanu jirin.

In arimaha xisbiga gudihiisa yaalla oo uu ka mid yahay shirwaynaha xisbigu lagu dhameeyo Xisbiga gudihiisa loona maro si waafaqsan dastuurka Xisbiga iyo shuruucda dalka.
In Xisbiga Kulmiye oo ah xisbi guun ah oo jiray muddo 23 sano ah dalkana xukumay muddo 14 sano ah uu diyaar u yahay inuu qaato doorkiisa mucaaridnimo.
⁠In shir kasta oo sita magaca Xisbiga oo ay abaabulaan dad Xisbiga ka jooga dibadda oo aan helin ogolaanshaha Hogaanka Xisbiga aanu khusayn isla markaasna saamayn ku yeelin Karin arrimaha xisbiga.
     
Loading...