Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Dadka Kale Dadko Nabada Ah Bay,Danaha Raacdaan,
Dadaalka Iyo Wax Lays Taro,Ayay Dunidu Yeeshaane,
Deriskood Ma Eegaan Intay,Doogsan Tahay Beeshu,
Derojiyo Wax Korodhsiyo,Malaha Damac Aduunyad.
Dulqaadka Iyo Xishood Gaaraba,Daayinkood Faraye,
Digiigaxana Maayaan,Intooy Kala Danbeeyaane,
Doqonkooda Iyo Fariidkoodu,Waa Daadaxda Siman,
Dadka Kale Dhamaan Waa U Walaal,Daandhax Ahayni,
Duulaankiyo Colaadaw Dawo Ah,Waxay Difaacaane,
Dawladnimada Waa U Daacado,Way Ku Diriraanba,
Dabagaale Abeesada Qabeen,Dadabna Aan Seexan,
Danbarkeedan Qaar Maalayaan,Daaya Ku Hayaaye,
Doorkanaan Laha Waydin Heli,Daayac Naga Raagay,
Maaan Dareemin Weli Dawladnimo,Daahir Dabadiiba.
Ismail Abdulla Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!