Saamiyada suuqyada Aasiya-Pacific ayaa hoos u dhacay iyadoo weli ay jirto hubanti la'aan ka dhalatay siyaasadaha canshuuraha ee adag ee Donald Trump. Suuqa Nikkei ee Japan ayaa si weyn u hoos u dhacay xilliga hore ee ganacsiga maanta.
Doollarka Mareykanka ayaa si weyn hoos ugu dhacay Jimcihii iyadoo welwelka sii kordhaya ee ku saabsan saameynta dagaalka ganacsi ee sii baahaya ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha uu sii fidayo.
Bonds-kii ama heshiisyadii maaliyadeed ee dowladda Mareykanka ayaa dib ayaa iyana la arkayey tan iyo toddobaadkii hore iyaga qiimaha luminaya.
Maalgashadayaashu waxay bilaabeen inay u guuraan hantida loo yaqaanno "teeda badbaadada leh" sida lacagta Swiss Franc iyo dahabka.
Dahabku wuxuu markii ugu horreysay kor u dhaafay $3,200 halkii troy ounce oo cabbir lagu sameeyo dahabka iyo wxayaalaha la hal maala, halka Swiss Franc ay gaadhay heerkiidii ugu sarreeyay tobanka sano ee la soo dhaafay.
Xilli ay la hadlaysay Fox News, afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtayin tani ay tahay "siyaasadda Aqalka Cad in markasta laga horreysiiyo wax kasta danaha Mareykanka, taas oo shaqooyin iyo faa'iidooyin badan u keenaysa daka Ameerikaanka ah."
Waxay sheegtay inaysan "mar dambe ogolaan doonin in Shiinaha uu si sahlan ugu soo daayo badeecooyin jaban gudaha Mareykanka," halka uu ka hor istaagayo in badeecooyinka Mareykanka lagu kala iibsado suuqyadooda."
"Mareykanku ma jiri karo haddii aan sii wadno inaan kobcino oo xoojino Shiinaha," ayay sheegtay
Waxay sidoo kale sheegtay inay jirto "sababo ay tahay in loogu rajo weynaan karo dhaqaalaha Mareykanka," iyadoo ku talisay shirkadaha waxsoosaarka in kuwoodii sida "ugu wanaagsan ugu adeegaya danahooda in sida u fiicani tahay iney wax soosaarkooda ku sameeyaan gudaha Mareykanka.
Warbaahinta Shiinaha iyo sida u tabisay xaalkan
Iyadoo aan wax xal ah laga gaadhin dagaalka canshuuraha ee is-daba joogga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa farriimo u diraysa dadweynaha si ay ugu qanciyaan una diyaariyaan xaalad u muuqata in ay noqon doonto jahwareer dhaqaale oo sii socda.
Maanta, wargeyska ugu sarreeya xisbiga talada haya ee Shiinaha, People's Daily, ayaa maqaal bogga hore ah ku daabacay cinwaankiisu yahay: "Aamin Shiinaha, Aamina Berri", isagoo xusay horumarkooda dhinaca hal-abuurka, awooddooda suuqeed, halka uu sida oo kalena sheegay in waddanku "taagan yahay dhinaca saxda ah ee taariikhda xusi doonto".
Maqaalka ayaa intaas ku daray: "Dhaqaalaha adkeysiga badan ee Shiinaha wuxuu ka soo kaban doonaa duufaantan, isagoo ka xoog badan sidii hore."
Wargeyska Global Times, oo caan ku ah mowqifkiisa waddaninimo, ayaa cinwaan u dhigay tifaftirkiisii ugu dambeeyay: "Dagaalka Shiinaha 'ilaa dhammaadka' waxaa garab taagan kalsooni lagu qabo."
China Daily, oo ah warbaahin ku hadasha Af-Ingiriisi, ayaa iyana ugu baaqday dunida inay si wadajir ah uga hortagto waxa ay ugu yeedheen isku dayga 'bililiqo doonka ah ee Washington.
Maalin keliya kahor, inta badan suuqyada saamiyada ee gobolka Asia-Pacific waxay kor u socdeen si xoog leh.
Subaxnimadan, waxay la kulmayaan khasaaro, marka laga reebo Taiwan oo weli guulo gaaraysa.
Maadaama aysan jirin wax horumar ah oo muuqda oo ku saabsan wadahadallada canshuuraha, maalgeliyeyaashu waxay ku shaqeynayaan "mala-awaal," ayuu yiri Dan Wang oo ka tirsan hay'adda talo-bixinta Eurasia Group.
Bbc/somali