Qisadii Jaceyl (Qalbigii mugdiga ahaa ' Nal baa u ifay.)

Saturday July 05, 2025 - 01:57:42
hadhwanaagnews
Qeybta 4aad

 

 

No photo description available.

Qadar markii uu arintii iyo guurkii maryamo ka naxay dhulkana ku dhacay oo miir daboolmay ayaa waxaa loola cararay hospital koomo ayuu galay xaaladiisana caadi meysan aheyn sidaas darteed 4 bilood ayuu koomo ku jiray markii uu ka soo baxay koomadii wuxuu noqday qof aan tabar laheyn oo noloshaba ka quustay

 

Markii hospitaalka laga soo saaray ayuu wuxuu soo iibsaday sun si uu u cabo wuxuu yiri intaan xaaladan ku jiri lahaa anigoo dunida isaga tago ii dhaanto lkn intuusan cabin ka hor baa waxaa suntii aragtay gabadh yar oo eedadiis dhashay waxey rabtay dharka iney u dhaqdo jeebka ayay ku aragtay suntii hooyadeed ayay u geysay

Eedadii markii ay aragtay suntii waxeyna tustay xaajigeedii dabadeedna odaygii wuxuu u yimid wiilkiisii isagoo ogaa xaalada uu gabadh jeclaa dartiis u galay kuna yiri wiilkeygii waan ogahay qof aad jeceshahay markaad weyso xaalada la galayo waana kula dareemayaa waayo anigaba hooyadaa dunida ugu jeclaa iga dhimatay????

Waxaan talo ahaan kuu siinayaa inaadan daciif noqon noloshana ka dhicin mustaqbalkaagana ha isaga ciyaarin waxan kugu dhacay imtixaan yar lagu marsiiyay lkn adiga xagaaga dhibaato weyn ayay ka tahay samir oo dulqaadka sii badi gabadhas mid ka wanagsan waad heli doontaa taas anigaa kaa hubo haka quusan nolosha

 

Qadar markuu aabihiisa la taliyay garabkiisana soo istaagay ayuu ku yiri aabe waa runtaa qof aad jeceshahay markaad weyso xanuunka iyo dhibaatada nolosha lagu marayo adigaba waad iiga aqoon badan tahay taasi waan kula ogahay sababtoo ah hooyo ayaad weysay laakiin aniga ma aqaan sabab aan u sii noolaan karo

Odaygii ayaa ku yiri waxaan kuu dirayaa dalxiis magaalo ay habaryartaa ku nooshahay in mudo la soo joog noloshaada wey is badali doontaaa taas aniga kaa hubo wiilkeygii adigoo xaaladan ku jiro uma dulqaadan karee halkas aad waana u sheegay boorsadaada xirxiro laba maalmood kadib safar isku diyaari waad tageysaaye

 

Dhinaca kalana maryamo markii ninkii taajirka ahaa loo guuriyay dhowr bilood dabadeed nin xun ayuu ku noqday wuu dili jiray rafaadin jiray aabaheed markuu la kulmana ninka dunida ugu wanagsan ayuu isaga dhigayaa iyadana sidaas buu u silcinayaa markay damacdo in aabaheed uga soo dacwooto iyadii ayuu sii dilayaa????

 

Wuxuu ka dhigaaa qaladka iyada iney leedahay marwalpa ay u soo dacwootaba iyadoo markii hore dhibane aheyd ayuu hadana aabaheed ugu sii darayaa dhibane kale u noqoneysaa markas kadib ayay hooyadeed la hadal is dhahday blse odaygii ku yiri waxa gabadheyda iga haleynaya waa adigee dhexdeena waa inaad ka baxdaa

 

Maamadii waxey sameyso ayay garan weysay waxeyna kula talisay magaaladan dhanba iney isaga tagto inta aabaha miirka u soo laabanayo waxaad tagtaa guriga abtigaa oo magaala kale ku yaala halkas ku noolow inta xaalada dib uga hagaagi doonto halka ninkii inuu furo maryamo diiday aabaheed ayaa dhahay ha furin cml

La soco qeybtii 5aad Haduu Alle Idmo

Waxaa Qoray Boqorka Xaliyaha Jaceylka.

 



     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...