Buuga hoose ka muuqdaa waxaa qoray qalin-dahable Franz Kafka (1883-1924), oo ku dhashay Prague aheeydna caasimada boqortooyadii Bohemia, ahna haatan caasimada Jamhuuriyadda Czech. Kafka waxa uu ahaa mid ka mid falaasifada iyo waliba qorayaasha ugu saameynta badan qarnigii 20aad, waxaana ugu caansan wax-soo-saaradiisa;
1-Metamorphosis (Dhalan-rogod): Waa sheeko-faneed cajaa’ib badan, oo aan aad ula dhacay aniga ka shaqsi ahaan, waxeeyna ka hadleeysaa nin lagu magacaabo Gregor Samsa oo soo toosaayo maalin maalmaha ka mid ah isaga oo isu-badalay cayayaan. Hadaba, falaqeeynta sheekadaan waxaan ka dhiganaynaa post kale, maadaama ay ku jiraan cashiro-nololeed fara badan.
2-Trial (Maxkamadeyn): Waa sheeko-faneed kale oo ku dul wareegsaneeyso nin la magacaabo Josef K., 30 sano jir ah, kana mid ah madaxda sare ee bangi ka mid bangiyada ugu waaweeyn magaalada. Ninkani sababta lagu soo xiray ma yaqaano, se waxa uu hal mar is arkayaa isagoo dhex taagan maxkamad, waxa uuna galayaa xaalad quus iyo jah-wareer ah.
Sidoo kale, kafka waxa uu soo saaray dhaxal kale oo ay ka mid yihiin: Castle (Qasriga), Amerika (Mar la’arag/The Man Who Disappeared), iyo fariintii loo diray Aabe oo ah ujeedka iyo ubucda maqaalkeena.
1919kii, waxa uu Franz Kafka soo saaray buug yare uu uga hadlaayo qalafsanaanta, madax/calool-adeega, iyo kaligii-talisnimada Aabihii.
Hermann oo ah aabaha Kafka, waxa uu had iyo jeer ku raaxeeysan jiray cadibaada caruurtiisa, xaaskiisa, iyo waliba shaqaalihiisa. In kasta uu Hermann ahaa ganacsade weeyn, hadane waxa uu u xumaa inta uu aabe xun yahay, waxa uuna duudsan jiray xuquuqda shaqaalaha, dhamaantoodna waa ay ka wada cabsan jireeyn. Kafka oo ahaa nin aad u jilicsan sida laga dheehan karo qoraaladiisa, waxa uu fariinta uu udiraayo aabihiis ku leeyahay hadalada hoose:
Aabbahaygii qaaliga ahaayoow,
Dhawan ayaad i weydiisay sababta aan ugu andacoodo in aan kaa baqo. Sida caadada ahayd, ma aanan helin jawaab aan ku siiyo. Tani waxa ay qayb weeyn ka aheeyd baqdin dhab ah oo aan adiga kaa baqo, qayb kalena waa aniga oo aanan kuu sharixi karin baqdintaasi, waayo waxeey u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo aanan awoodin in aan si fiican isugu duba-ridu kolkaan hadlaayo. Xitaa haddaan isku dayo in aan ku siiyo jawaab qoraal ah, jawaabteydu waxeey noqoneysaa mid aanan dhammaystirnayn, baqdinta aan kaa baqo iyo saameynta ay igu leedahay awgii. Dhab ahaantii, mawduucaasi waa mid ka weyn xusuustayda iyo waliba Qaadka maskaxdayda.
Deedna kafka waxa uu galayaa inuu faaqido hadimooyinkii, iyo waliba al-huumooyinkii uu aabihii u geeystay kolka uu yaraa, isagoona leh:
Aabe, waxaan si toos ah u xasuustaa hal dhacdo oo ka mid ah dhacdooyinkii dhacay waagii aan yaraa, malaha adigana waad xasuusataa e. Habeen habeenada ka mid ah ayaa si is-dabajoog ah ugu qayliyey "biyo,” ma ahayn inaan harraadsanaa dhab ahaantii, laakiin malaha waxaan rabay inaan kaa xanaajiyo amaba aan naftayda mashquuliyo. Waad i yara canaanatay, se waxba ma aysan tarin deedna waxaad iga xambaartay sariirteeyda, adigoona i dhigay albaabka guriga hortiisa, waxaadna iga xiratay albaabkii waliba anigoo xiran dharkii jiifka. Dhab ahaantii, ma doonayo inaan dhaho arintaasi waxeey aheeyd khalad—malaha waqtigaas si kale oo aad iiga nasan karto ma aysan jirin—laakiin waxa aan rabaa inaan kuu sheego in hanaan-kaasi ahaahab-tarbiyeedkaada iyo sida uu iigu reebay saameyn weeyn.
Aabe, agteeyda waxaa ka aheeyd muqadas, iyo mid la weeyneeyo, waxaana kuu arkayey mid aan ku daysado, iyo isha aan hab-dhaqanka ka qaato, had iyo jeer adiga ayaa ahaa qofka saxan, waayo suura-gali maba aheeyn inaad I siiso jaanis aan ku hadalo.
Waxaa farxad iigu filnaan jirtay inaan kula wadaago arin waliba oo i farxad galiyo iyo waxa aan maalintaasi soo arko, hase ahaatee, jawaabtaadu waxay ahaan jirtay mid caburin ii ah, se adiga kaftan kuu ah, madax ayaa ruxi jirtay, farahaagana miiska ayaa ku garaaci jirtay—Kafka waxa uu halkaani kaga andacoonayaa aabihii inuusan dhageeysan jirin oo uunan la fal gali jirin—Dabcan, adigoo ku mashquulsan dhibaatooyinka nolosha, marnaba suura gal ma aheeyn inaad xiiso u qabto, wax yaabaha yar yar ee caruurta u ciyaarka ah. Se arinku taas ma aheeyn, ee wax kale ayay ahayd.
Sida caadada ah, wax waliba waxaad u sameeysay xeerar, maadaama aad adigu aheeyd miisaanka wax walba lagu cabbiro, tusaale ahaan, cunto waliba oo miiska la soo saaraa waa in la cuno, lagamana hadli karo tayada cuntada. Laakiin adigu cuntada badanaa waad nici jirtay, waxaadna dhihi jirtay, "Tani waa cunto xoolaad,” ama "Naagta karisay ayaa si xun u karisay cuntada.” Maadaama aad aad u baahan jirtay, uuna weeynaa dheef-shiidkaada, waxaa caaddo kuu ahaa inaad boobsiiso cuntada, sidaas darteed caruurtana waxaa ku qasbi jirtay ineey dhaqsi u cunaan cuntada, adigoo ku leh "Degdeg! Degdeg! Degdeg!, anigu kol hore ayaan dhameeystay e”.
Aabe, waxaa iga mamnuucday inaan cuntada la daadiyo, hase ahaatee, qaybta ugu badan waxeey ku daadan jirtay adiga hoostaada. Miiska cuntada waxaa loogu talagalay kaliya in waxlagu cuno, hase ahaatee adigu waxaad ku jaran jirtay cidiyaha, waxaa ku afeeysan jirtay qalinka, dhukaygana dhagahaaga ayaa kaga soo saari jirtay halkaasi. Fadlan aabe, qalad ha ii fahmin, kuwaas waa faahfaahin aad u kooban oo kaliya, laakiin waxay igu noqdeen culays, sababtoo ah adiga, waxaan kuu arkayay qof awood buuxda leh, se adiguba marnaba ma aadan raaci jirin xeerarkii aad aniga ii dejisay. Sidaas darteed, adduunka oo dhanba waxa uu ila noqday sadax qaybood:
Midda koowaad waa dunidayda, halkaas oo aan ugu noolaa sidii addoon, iyadoo la iga doonayay inaan raaco xeerar igu kooban aniga—xeerar aan waligey si buuxda u fulin karin, xitaa anigoo aan fahmin sababta.
Midda labaad waa dunnii aad adigu ku nooleyd, oo aheeyd mid aad iiga fog oo aad amaro ka soo diri jirtay uun, kana xanaaqi jirtay haddii aan la raacin.
Midda saddexaad waa adduunka ay dadka kale ay ku noolaayeen, dunni farxad badan, ka fog amar-ku-taagleeynta iyo waliba kali-talisnimo.
Aabe, had iy jeer dhulka ayaad igu nabbi jirtay, ilaa aad ii aragto wax ma-tare, waa sax ineey hooyo si wanaagsan iila dhaqmi jirtay, se aniga waxaa ii muhiim ahaan haa xiriirkaada.
Aabe, waxaan aad u jeclaa inaan mar waliba kuu raaco dukaanka, oo aan kaa barto sida loo ganacsado, una arko qibraada, kartidaada iyo sida aad ula fal-gasho macaamiishaada. Dhab ahaantii, canug yar inuu arin-kaani barto waxeey aheeyd arin aad u weeyn oo aan xita kaga dhabeeyn karay riyadaada aheeyd inaan ganacsade noqdo sidaada oo kale, hase ahaatee, waxaa qalbigeeyga xanuun, iyo maroor dilaac ku reebay sida qalafsan ee aad ula dhaqmi jirtay shaqaalahaaga, iyo sida aad ugu arki jirtay ineey yihiin addooman adiga laguu abuuray, taasina waxeey igu sababtay in dukaanku uu noqdo meesha aan ugu necebahay, una arko meel ka fog cadaaladda.
Kafka waxa uu ku darayaa fariintiisa oo ka kooban in ka badan 50 bog, inuusan aabihii geeyn jirin macbadka, oo uu sanadkii oo dhanba uu 4 jeer aadi jiray, taasina ay ku sababtay inuusan kaliya dhimanin shaqsi ahaan iyo jir ahaan, ee sidoo kale uu u dhintay ruux ahaan. Waxa uu sidoo kale ka cabanayaa in aabihii kolka uu bari tago qofka uu la haasaawe wadaaga yahay, uu ugu jawaabi jiray sida in loo sheegay arin maalaayacni ah.
Ugu danbeeyn, waxa uu kafka kusoo gaba-gabeeynayaa fariintiisa:
Aabe, dhammaan cabashooyinkaan aan kusoo jeediyey maaha kuwa adiga si toos ah kuugu socdo, ee aniga xita qayb ayaan ka ahay. Aabe, Shakiga aad dadka kale ka qabto ma aha mid ka weeyn shakiga aan naftayda ka qabo, waayo adigaa sidaas isoo barbaariyey.
Ma diidani in cabashadaan ay kusoo kordhinayso xiriirkeena wax cusub, se ay tahay run an-ga-gan. Dabcan, dhacdooyinka aan la kulanno nolosha dhabta ah kama marna doodaha aan warqaddayda kuugu soo jeediyay; waayo noloshu waa ay ka badan tahay ciyaar dulqaadeedka. Laakiin caqabadihii aan soo bandhigay waxeey inaga caawinayaan inaan u dhawaano runta-xitaa haddii aanan awoodin ama aanan rabin inaan si buuxda u raaco. Waxaana laga yaabaa inay naga caawiso labadeenaba inaan dareemno daganaasho nololeed, iyo waliba inaan si fudud u dhimanno.
Kafka cabsi uu ka qabo aabihii, fariintiisii cabashada aheeyd xita waa uu u diri kari waayey, deedna hooyadii ayuu ka codsaday ineey u dirto Aabihii, iyaduna odaygii waa ay ka baqday, ugu danbeeyna fariintu waxeey noqotay mid aanan gaarin qofkii loogu tala galay ee aabaha kafka, se waxeey gaartay guri waliba ee uu aabe joogo.
Waxaana marnaba la xaqiri karin kafka, waxa kafka ka dhigay inuu yahay qalafsanaanta aabihii, se toloow canug waliba ma u dulqaadan karaa sida uu u dulqaatay Kafka, mise waxaa uu noqon doonaa mid dhintay isaga oo nool.
Ugu danbeeyn, Kafka waxa uu u dhintay cudurka qaaxada taariikhdu kolka ay aheeyd 1924, isagoo 41 jir ah, misane aanan waxba dhalin. Badiba qoraaladiisana waxaa daabacay iskuna dubariday ka dib dhimashadiisa saaxiibkiisa Max Brod.
Cashirada aan kala bixi karno fariinta uu kafka u diray aabihii:
1- In caruurta lala sheekeeysto, oo aanan la iska weeyneeysiinin amaba aanan la dhayal-sanin hadalkooda.
2- In amarada la faraayo caruurta, uu waalidku isagana fuliyo.
3- Inuusan waalidku ka balan qaadin caruurta wax uunan siin karin.
4- In caruurta la geeyo masjidka iyo goobaha shaqada, si ay macnawiyan iyo maadiyanba u dhismaan.
5- Inaan caruurta lagu qaylinin se lala saaxiibo, wax walibana loogu sheego sida ay ku fahmi karaan.
6- In la ogaado in caruurtu ay u heeystaan waalidka tusaalaha ugu wanaagsan iyo waliba boqorka dunida.
Adiga inoogu dar saaxiib, waxa kale ee laga faa’iidi karo fariinta kafka.
Nabadi Korkaaga Ha ahaato.
W/Q/
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!