S/land & Maraykanka Oo Kulmay Iyo Arimo Muhiib Ah

Friday May 23, 2025 - 10:27:55
hadhwanaagnews
Wasiirka khaarajiga iyo Xildhibaan Tim Burchett...
May be an image of 2 people and text


Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay xildhibaan ka tirsan Kongareeska Maraykanka, Tim Burchett, oo ka tirsan guddiyada Aqalka Wakiillada ee Kormeerka, Arrimaha Dibadda, Gaadiidka, iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibaddu la yeeshay xildhibaan Tim Burchett, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo danaha ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanku.

Wasiirka khaarajiga iyo Xildhibaan Tim Burchett, waxa ay si gaar ah uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xasiloonida gobolka, kor u qaadista koboca dhaqaale, iyo sii xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumadda JSL ugu jirto aqoonsi raadinta caalamiga ah iyo doorka istiraatiijiyadeed ee ay ku leedahay Geeska Afrika.
Waxa kaloo ka go'an Somaliland dhismaha iskaashi taageera nabadda, horumarka Maraykanka iyo Somaliland.
     
Loading...