Wasiir Hore Cabdiwali Sheikh Suufi: "Bulshadu way ka daashay 14-kii sano ee aanu xukunka haynay"

Tuesday May 20, 2025 - 18:12:38
hadhwanaagnews
Cabdiwali ayaa xusay in farqiga codadka lagaga adkaaday KULMIYE


Wasiirkii hore ee Xukuumadda Somaliland, Cabdiwali Sheikh Suufi, oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa si cad u sheegay in guuldarradii xisbiga KULMIYE ee doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday ay muujinayso in shacabka Somaliland ay ka daaleen muddadii dheer ee uu xisbiga talada hayey.

Cabdiwali ayaa xusay in farqiga codadka lagaga adkaaday KULMIYE oo gaadhay 180,000 oo cod ay tahay fariin culus oo muujinaysa baahida shacabka u qabaan isbeddel siyaasadeed.

"180,000 kun ee cod ee nalagaga badiyey waxay noo tahay in aanu aragnay in bulshadu ay ka daashay 14-kii sano ee aanu xukunka haynay,” ayuu yidhi Cabdiwali Sheikh Suufi.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xisbiga KULMIYE uu wajahay guul-darro taariikhi ah, taas oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan jihada cusub ee xisbigu qaadi doono.
     
Loading...