Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday qodobbada Xajka ee laga doonayo xujeyda. Ujeedka qodobbadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay badqabka xujeyda iyo in ay si fudud oo deggan u gutaan waajiboodkooda Xajka.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sharraxday qodobbada iyadoo sheegtay in ay ka kooban yihiin ilaa iyo shan qodob:
Qodobka koowaad waa soo galitaanka Sacuudiga. Dadka fiisaha cumarada haysta ayaa ugu dambeyn loo ogol yahay in ay dalka soo galaan 13kii April.
Qodobka labaad ayaa ahaa in dadka fiisaha cumarada haysta ay wadanka uga baxaan ugu dambeyn 29-ka April.
Labada qodob waxay muujinayaan in dadka fiisooyinka cumrada haysta ay dalka ku soo galaan ugana baxaan bisha April inta aysan dhammaan.
Qodobka saddexaada ayaa ka hadlayay dadka haysta deganaashaha dalka. Wixii ka dambeeyay 23kii bishii April dadkaas iskama gali karaan magaalada Makkah.
Hadii aysan haysan ogolaashaha lagama maarmaanka ah waa loo diidayaa in ay galaan iyadoo lagu celinayo halkii ay markii hore ka yimaadeen. Balse waxaa jira in dadka qaar qodobkan fasaxyo.
Dadka ka reeban qodobka saddexaad waxaa ka mid ah dadka haysta aqoonsiga deganaashaha magaalada Makkah, kuwa haysta ogolaashaha shaqo ee goobaha barakeysan iyo dadka soo qaata fiisaha xajka.
Qodobka afaraad ayaa qeexaya fiisooyinka cumrada ay soo saarto 'Nusuk' in la joojiyay 29-kii April ilaa iyo 10-ka June ee sanadkan.
Qodobkan xitaa wuxuu quseeya muwaadiniinta Sacuudiga, kuwa deganaashaha haysta, muwaadiniinta dalalka kale ee Khaliijka iyo cid kasta oo haysata fiiso kale.
Qodobka shannaad ee ugu dambeeya ayaa ka hadlay sida lagu galayo Makkah. Shaqsiyaadka haysta fiisooyinka xajka ayaa loo ogol yahay in ay galaan magaalda Makkah.
Wasaarada waxay ku adkeysay dhammaan dadka in ay si buuxda u raacaan qeynuunadan Xajka si loo xaqiijiyo badqabka iyo ammaanka xujeyda. Cidii jabisa qeynuunadan waxay la kulmeysaa ciqaab dhinaca sharciga ah.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kal xujeyda sandkan u dirtay fariin diginin ah oo la xiriirta arrimaha been abuurka.
Waxay sidoo kale ka digtay khiyaanada iyo been abuurka ku lugta leh barnaamijyada xajka ee been abuurka ah, kuwaas oo loogu sameeyo dacaayado xayaysiisyada marin habaabinta ah ee baraha bulshada ee bixiya hoyga iyo gaadiidka gudaha goobaha barakeysan.
Wasaaraddu waxay ku boorrisay dadweynaha in ay soo sheegaan xadgudubyadan oo kale iyagoo wacaya 911 ee gobollada Makka, Riyaad, iyo Gobolka Bari, ama 999 ee meelaha kale ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Warbixinnada xayaysiisyada shakiga leh waxaa sidoo kale loo gudbin karaa maamullada waddan kasta.
Dhanka kale, qoraal ka soo baxay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya 28-kii April ayaa uga digtay dadka doonaya in ay xajka aadaan in ay iska ilaaliyaan shirkado aan sharci aheyn.
Digniint ay soo saartay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xujeyda sanadkan ka digtoonaadaan la macaamilka shirkadaha been abuurka iyo shaqsiyaad dallaaliin ah oo sheeganaya in ay hayaan adeegga xajka, kuwaas oo ku shaqeynaya nidaam ka baxsan kan wasaarada.
Dowlada Soomaaliya ayaa hore u shaacisay magacyada toddobaatan iyo know shirkadood kuwaas oo loo doortay in ay qabtaan howlaha xajka ee sanadkan 2025-ka
Xujeyda ayaa lagu adkeeyay in ay dhowraan qeynuunada u degsan dalka Sacuudiga inta ay gudanayaan waajibkooda xajka.