Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Burco, waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan ay aqbaleen go’aanadii lagu xalinayey arrintii ka dhacday Burco ee ay sida wadajirka ah u soo saareen odayaasha Burco iyo guddiga nabad gelyada ee Gobalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaa kale oo uu intaa raaciyay in markasta udaanka koobaad ay sinayaan soo daynta maxaabiista.
Madaxweyne (Cirro), oo arrimahaa ka hadlayay,waxaa uu yidhi: "Xukuumad ahaan waxa aan isla waafaqnay in Xukuumaddu ay waafaqdo go’aamadii lagu soo afjaray wixii ka dhacay Burco, waxaanaan amray in la sii daayo dhammaan dadkii la xidhay, waxaana Xukuumaddu u wakiilatay fulinta qodobadii ay isla qaateen guddiga nabad gelyada iyo odeyaashu iyo weftiga Xukuumadda ee hadda Burco ku sugan, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inay hawshaasi si nabad ah innoogu soo afjaranto”.
Dhinaca kale Madawaynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cirro, wuxu sheegay in iyaga oo ahmiyad siinaya arrinta Burco ay wefti ballaadhan u direen magaalada Burco si ay xalinta uga qeybqaataan., waxaanu yidhi "Xukuumad ahaan waxa aan xalay(habeen hore) saqdii dhexe anaga oo ahmiyad siinayna arrintan aanu Burco u dirnay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha”.
Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa sidoo kale cod dheer ku sheegay in Xukuumaddu ay baadhis ku samayn doonto dhibbaatadii ka dhacday magaalada Burco.
Madaxweynahu, wuxu sheegay in ciddii ku lug yeelata kicintii lagu sameeyey dadweynaha iyo khasaarihii ka dhacay Burco ba la horkeeni doono cadaaladda, waxaana uu yidhi:
"Waxa aan u sheegayaa shacbiga Somaliland in wixii halkaas ka dhacay ay Xukuumaddu baadhis ku samayn doonto iyada oo cidna gaar looggu jeedin, ciddii ay ku cadaato inay lug ku lahaayeen kicintii dadweynaha iyo wixii khasaare ka dhacay Burco ba, waxa la horkeeni doonaa cadaaladda”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in wixii Burco ka dhacay ay sababeen Been bulshada loo sheegay, waxaanu ku dheeraaday dhubaatada ay Beentu dadka dhaxalsiiso waxaanu yidhi
"Beentu Qaran dhisan bay dumisaa, reero nabdoon bay gubtaa, kalsoonida bulshaday dishaa, qoysas wada yaal bay kala irdhaysaa, dhiigga walaalahay isu bannaysaa.
dhammaan khasaarihii shalay ka dhacay Burco waxaa sababay war been-abuur ah oo ay dad ujeeddo qaldan lihi bulshada ku dhex tuureen”.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale Tacsiyeeyay labadii qof ee halkaasi ku dhintay, waxaanu xusay in ka xukuumad ahaan ay baadhis ku samaynayaan dhacdadaasi, cidii ku lug yeelatana caddaalada la hor gayn doono.
"Reer Burco waxaan ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda, walaalnimadooda iyo isku duubnaantooda si aanay uga hadhin shacbiga Somaliland ee maanta u hayaamay waxqabadka iyo horumarka”.
"Waxaanu ogsoonahay duruufta ay ku nool yihiin qoysaska sharaakiisha inaga xidhan ee maxaabiista ah, xilka koowaad baanu iska saarnay in aanu soo dayno maxaabiista dhammaantood in waanu ku guulaysanay, inta Kalena waxa naga go’an oo aanu wadadeedii haynaa sidii loo sii dayn lahaa”.